Maxaa kasoo kordhay kulanki madasha qaranka.

0
Monday June 28, 2021 - 21:43:44 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa kasoo kordhay kulanki madasha qaranka.

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni, Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa shir guddoominaya, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni, Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa shir guddoominaya, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.


Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shirkaan uga qeyb galaya qadka foggaan aragga ee Zoomka. Kadib markii raysal wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in laga raali galiyay tabashadii uu ka qabtay in aan lagala tashan shirkaan.

Shirkan ayaa looga hadlayaa dardar gelinta doorashada, wixii ka qabsoomay heshiiski bishii hore ee 27 May, waxaana mar kale Golaha Wadatashiga Qaran soo saari doonaan jadwal doorasho, maadaama mudadii 60 maalmood ee horay loo qabtay ay muddo bil qaadatay kala shaandheyntii guddiga doorashada.

Waa shirkii labaad oo raysal wasaaraha Soomaaliya uu hoggaamiyo tan iyo markii uu la wareegay hoggaaminta maamulka doorashada, waxaana shirkaan la filayaa inuu qaato waqti kooban, madaxduna ku gaarto go’aano cusub.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip