Luca toni “Qof walba wuxuu ku fikiraa in aan hoos u dhaca igu yimid”

0
Monday June 15, 2009 - 14:36:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luca toni “Qof walba wuxuu ku fikiraa in aan hoos u dhaca igu yimid”

    Cayaaryahaanka caanka ah ee Xulka Azzuri ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu cayaaro kulanka xulkiisa kaga soo horjeedaan Xulka United States.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cayaaryahaanka caanka ah ee Xulka Azzuri ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu cayaaro kulanka xulkiisa kaga soo horjeedaan Xulka United States.


Tababaraha Italy, Marcello Lippi, ayaa waxaa haysata hawl adag oo ah sidii uu u kala xulan lahaa ciyaaryahaanadiisa u cayaari doono Kulanka ugu horeeya oo ay la leeyihiin Mareykanak ee Koobka Qaaradaha Adduunka.

Kala xulashooyinkiisa ugu adag ayaa imaan doono maadaama uu isaga wato 6 ciyaaryahaan oo dhanka weerarka ka cayaarta kuwaas oo mid walba doonayo in uu cayaaro bilawga/line-upka.

Mid ka mid ah cayaaryahaanadaas ayaa ka mid ah, Luca Toni, oo dhawaanahaan noqday mid lala qeybsada dalabkiisa oo ah in laga mid dhigo ciyaaryahaanada lagu soo bilaabayo.

“Dadka waxy u maleeyaan in aan aniga tabar dhigi doono, oo aan sidii hore ahayn. Waxaan u sheegayaa in da’deedu 32 jirtahay, oo aan dareemeyn duqnimo Balse aan dareemayo in aan aniga ahay sida nin qaan gaar.” Sidaan Toni Ayaa u sheegay Rai.

“Laba sano oo aan ka cayaarayay Germany, waxaan dhaliyay Kow iyo lixdan (61) Gool gebi ahaan taasina uma muuqata in qof weliba is ogeysiiinayo/ ama is xusuusinayo” ayuu sii raacsaday Toni

Isla qodobkaan, Alberto Gilardino ayaa isna ku jirta Lixda Weeraryahaan oo uu wato Marcello Hasa yeeshee Toni ayaa waxuu ku daray in uu isaga taageeri doono go’aan walba oo uu macallinkiisa qaato cawada.

“Waxaan rajeynayaa in aan cayaari doono daqiiqada ugu horeesa, Laakin hadii macallinka ku bilaabo booskeeyga Glardino, Markaa waxaan taageeri doonaa Isga” ayuu kusoo gababageeyay hadalkiisa.

W/D: Ustaad Bile
bile208@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip