Ururka Isbaheysiga NATO oo sheegay inay Taageero Millitery Siinayaan Ciidamada Midawga Africa ee..

0
Saturday February 20, 2010 - 13:38:10 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Isbaheysiga NATO oo sheegay inay Taageero Millitery Siinayaan Ciidamada Midawga Africa ee..

    Madaxa amaanka iyo taagerada hawlaha ciidamada Isbaheysiga NATO Thandikhaya Bam ayaa waxaa uu sheegay inay taagero dhinaca ciidamada ugu deeqayaan ciidamada midawga Africa ka jooga wadanka Somalia ee wada hawlaha nabad illaalinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa amaanka iyo taagerada hawlaha ciidamada Isbaheysiga NATO Thandikhaya Bam ayaa waxaa uu sheegay inay taagero dhinaca ciidamada ugu deeqayaan ciidamada midawga Africa ka jooga wadanka Somalia ee wada hawlaha nabad illaalinta.

Thandikhaya Bam o u waramayay Tv afka isbaheysiga NATO ku hadla ayaa waxaa uu sheegay in kulan ka dhacay magalada Barasalis ee xarunta dalka Biljimka o ay wada yesheen madax ka kala socotay ururada Midawga Africa iyo kan NATO in la isku raacay in NATO gacan Millitery siiso ciidamada AMISOM ee dawlada KMGS la sheego inay ka taageeraan dhinaca nabada.

 

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in madaxdii ka socotay ururka Midawga Africa ay NATO ka codsadeen inay hormarin lagu sameeyo agabka ay isticmaalaan ciidamada midawga Africa ka jooga wadamada Somalia iyo Sudan taasoo ku aadaneyn in lagu saacido diyaarado nooca dagaalka iyo agab Millitery, waxaana sarkaalka NATO u hadlay uu sheegay in ciidamada AMISOM la ga taageero doono dhinacyada cirka iyo badda sida uu hadalka u dhigay Thandikhaya Bam oo NATO u qaabilsan dhinaca amaanka iyo taakuleynta ciidamada.

 

Wara soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan NATO ay imaan doonan dalka Somalia oo ay tababaro dheeraad ah siin doonaan ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ka hawl gala, waxaana sarkaalka NATO u hadlay uu hoosta ka xariiqay in NATO ay midawga Africa ka saacidayaan sidii loo tayayn lahaaagabka ay isticmaalaan ciidamadooda ka hawl gala wadamada Somalia iyo Sudan iyo in la unko talis ciidan oo ay Africa yeelato oo ka gacan ka geysta amaan ku soo dabaalida wadamada ay rabshaduhu ka jiraan ee Africa ku yaala.

 

Isbaheysiga NATO ayaa haatan waxay ciidamo dhinaca badda ah ka joogaan biyaha Somalia kuwasoo sheega inay la dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Somalied ee ka qawleysata xeebaha dalka Somalia.

 

Ciidamada midawga Africa ka socda ee magaalada Muqdisho ayaa waxay fariisimaha ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho weeraro joogto ah ku qaada xoogag si weyn u diidan joogitaankooda Somalia waxaana lagu eedeeya inay madaafiic ku garaacaan goobaha shacabku ku badan yahay iyo xataa meelaha loo barakacay ee duleedada magaalada Muqdisho ku yaala.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip