Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada puntland ayaa tibaaxaya in dhowaan ay ka goosteen ciidamada dowlad goboleedka puntland ciidamo gaaraya ilaa 400-askari kuwaasoo la sheegay in qaarkood tababar ugu dhamaaday Ex-xeradii ciidamada ee 54-aad taasoo aan la ogayn sababta dhabta ah ee ay ciidamadani uga tageen shaqadoodii .
Ciidamadan oo dhawaan loo qaybiyey hub , tababarna qaatay ayaa loogu talo galay sida la sheegay la dagaalanka Budhcad Badeeda iyo waxa loogu yeedhay Argagixisada, madaxda maamul goboleedka Puntland ayaa arrintani anfariir ku riday ka dib markii xaaladan xataa lagu arkay Askar ka tirsan madaxtooyada Garoowe oo iyaguna iskaga tagay shaqaday ka hayeen maamulkaasi puntland .
Sidoo kale Xaaladdan la soo gudboonaatay maamulka Puntland ayaa dadka xeel dheerayaasha ku sugan dowlad goboleedka puntland ku qiyaaseen mid aan hore uga dhicin islamrkaana loo aanaynayo maamulka iminka jira taasoo ay sheegeen inay ka jirto puntland khal khal siyaasadeed oo hareeyey gudaha maamulkaasi .
Mid kamid ah siyaasiyiinta puntland maxamed axmed saciid ayaa saxaafada u sheegay inay jiraan ku tagri fal dhaqaalihii puntland oo ay ku tagri falayaan qaar ka tirsan wasiirada iyo weliba maamulka sare ee madaxtooyada isagoo intaasi raaciyey inay wadaan xidhiidh ay ku taageerayaan kala goo goynta wadanka soomaaliya oo ay marqaati u tahay ayuu yiri soo gelitaanka ciidamada maamulka la baxay Somaliland ay laascaanood kusoo galeen oo ay ilaa iminka ku xoojinayaan maamulka hargaysa .
Mud : maxamed axmed saciid oo habeenkii xalay ahaa u waramayey Qaar kamid ah Idaacadaha ka Howl gala Muqdisho ayaa tilmaamay inay hadii ay kusii socdaan maamulka sare ee puntland inay bur bur qarka u saran yihiin islamrkaana loo baahan yahay inay joojiyaan kala faquuqa lagula dhex jiro ciidamada iyo hay,adaha amniga .
Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan faroole ayaa goosashada ciidamada ku tilmaamay mid ku timid maamul Xumo islamrkaana uu aad Uga xun yahay isagoo hadal kulul dhinaca isgaarsiinta usoo mariyey madaxweyne ku xigeenka puntland Gen:cabdisemed cali shire isagoo iminka ku sugan wadanka dibadiisa isagoo sheegay in aan la hayn ciidankii halka ay jaan iyo cidhib dhigeen, taasina ay keentay In C/samad cali shire kala kulmay arintaasi Canaan kulul oo kaga timi dhinaca C/raxmaan Faroole.
Isku soo wada duuboo waa markii Ugu horaysay ee Ciidamo gaaraya 400-askari oo ka tirsan maamul goboleedka puntland ay ka Goostaan xeryahoodii iyagoo wata hubkii ay ku Howl geli lahaayeen islamrkaana aan la hayn halka ay ku dambeeyeen
Ciidamadii Milatariga Puntland Oo Ay Ka Baxsadeen 400-Ciidan Hubaysan