AL-SHABAAB "DHAQANKII DIINTA ISLAAMKA AAN LAHEYN WEY ROGEEN WAXEYNA KASOO REEBEEN,

0
Friday October 17, 2008 - 11:22:37 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AL-SHABAAB "DHAQANKII DIINTA ISLAAMKA AAN LAHEYN WEY ROGEEN WAXEYNA KASOO REEBEEN,

    Hordhac Waxaa La Yiri "Ar Qeylo Ayaa Yeertey Markaas baa la yirii Naga Gaarsiiya Masaajidka Aan Kaga Badbaadno Markaas Ayaa La Yiri Masaajidka Ayeey Ka Yeertey Qeylida" Micana Murtida Ayaa waxey Tahay Xalka Kaliya Oo Noo Harsanaa Wuxu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac Waxaa La Yiri "Ar Qeylo Ayaa Yeertey Markaas baa la yirii Naga Gaarsiiya Masaajidka Aan Kaga Badbaadno Markaas Ayaa La Yiri Masaajidka Ayeey Ka Yeertey Qeylida" Micana Murtida Ayaa waxey Tahay Xalka Kaliya Oo Noo Harsanaa Wuxuu Ahaa Diinta Islaamka Asagana Duul Baa Liin Dhanaan Ku Dhiigiyey

 


Hordhac

Waxaa La Yiri "Ar Qeylo Ayaa Yeertey Markaas baa la yirii Naga Gaarsiiya Masaajidka Aan Kaga Badbaadno Markaas Ayaa La Yiri Masaajidka Ayeey Ka Yeertey Qeylida" Micana Murtida Ayaa waxey Tahay Xalka Kaliya Oo Noo Harsanaa Wuxuu Ahaa Diinta Islaamka Asagana Duul Baa Liin Dhanaan Ku Dhiigiyey

 

Soomaalida waa Ummad Islaam ah boqol kiiba boqol waxaana diinta soo barey Culumo Soomaaliyeed oo dadaal fara badan u soo galey oo shiikhba shiikh ka soo dhaxley fidinta diinta xeelado kala duwan ayeey u adeegsanayeen barista diinta waxaana ka mid ah degaanada soomaalida qaar ka mid ah waxaa si diinta loo baro masaajida la keeni jirey Raashin bilaash ah habeen walba si jameecada ugu qeyb qaataan

Waxeyna nagu soo barbaariyeen IN AAD KA DAMBEYSO WAALADIINTAADA ,IN AAD IXTIRAAMTO DADKA KAA WEYN IN AAD AMAAN GELISO DADKA KALE,IWM

Hadaba maanta diintii suubaneyd ee aan heysaney waa la rogey waxaana laga soo reebey CIMAAMADII IYO QAMIISKII waxaana laga dhigey mid dadka lagu dhaco hantidooda mid lagu been abuurto ummadda lagu argagaxgeliyo dadkana lagu qafaasho

Al-shabaab waxey Soomaaliya u soo safriyeen Dhaqamo aad ugu fog dinta Islaamka ayagoo dadka ku qaldayo Labiska Islaamka oo Deysta Garka Sunada ah soona xirta Cimaamad iyo Qamiis waxeyna ku hadlaan Afra kalimadood oo Carabi oo dadka uga dhigo Xadiisyo Saxiix si ay isku waafajiyaan Diinta iyo dhaqankooda BOOBKII DHACA DILKA ARGAGAXISADA iyo AFDUUBK Subxaana allaah

Eydeemahaan ma'aha mid been abuur ah waa mid waadix ah oo qof kasto arki karo markaad dhinac ka eegto waxey in badan iskaga mid yihiin kooxdii ka jirtey wadanka Talyaaniga oo lagu magacaabayey "Birigaato Rooso" waxaana ka mid ah cidii danahooda is hortaagto oo la dilayo waxaa kaloo ka mid ah baada laga qaadanayo ganacsatada

Markaad dhinaca kale ka eegto waxaa kuu soo baxayo in Xiriir ay la leeyihiin kooxda U.Al-qaacida oo ay ka shaabahaan cimaamada gafuurka lagu xiranayo, Gawaaraida walxaha qaraxa lagu buuxinayo oo lagu bartilmaameed sanayo meelaha suuqyada ah,afduubka iyo dilka loo geysanayo Hay'adaha samafalka IWM

Dhibaatooyinka baahsan ee kooxdaan dadkooda iyo dalkooda gaarsiiyeen aad ayeey u badan yihiin waxaa ka mid ah ayagoo BEESHA CAALAMKA Cadaawad nooga abuurey waxaa la soconaa in XAMAR Hooy u eheyd Seddaxdii Nin oo Ajaanibka ahaa oo ka dambeeyey Qaraxii loo geystey Safaaradihii Mareykanka ee NIROBI IYO DAAR-ASALAAM waxaa kaloo la soconaa in Ajaanib fara badan oo dambiyo wadamadooda ka soo galey dagaaladii lugu diley qaarna lagu qabqabtey shaleyna waxaa XAMAR lagu soo dhaweeyey Afduubayaal ka soo qafaashey dhulka Soomaalida degto ee Itoobiya shaqaale u shaqeynaye Hay'ad Gargaar

Fidnada ay abuureen waxaa ku naf waaye dhalinyaro farabadan oo da'dooda ka yar lix iyo toban jir ,dadweyne farabadan ayaa ku hanti beeley ,kuwo ku barakacay dhimasho iyo dhaawac aan tiro laheyn Ciribtirka ay u geesteen dadka aqoonta leh, Sababtaa waxaa iska leh kuwo waxmagarad ah oo heyb ku taageerayo iyo Soomaalida Qurbo Joogta ah oo QAARAAMAADka Ummadda lagu fidneeya u soo dira oo aan garaneyn Xaqiiqada ka jirta wadanka oo Banaanbaxyo u sameeya kuna haye taageero kala go' laheyn

UGU DAMBEYN

"ALLAHA WUXUU YIRI QOOM ANIGA MA BADALO INEY AYAGA ISBEDALAAN MOOYEE " Waad aragteen in maalintii Ciida eheyd ay ka hor istaageen Dad muslamiin ah SALAADII oo hal Bil soo Cibaadeysanaye hadii sidaa lagu sii daawado wax naga harayo ma jiri doonaan qof garan karo meesha ay nagu wadaan ma jirto kuwa dhaqankooda leh meel walba waa lagula dagaalamaa bal eeg SACUUDI oo eheyd meeshii ka soo farcameen qofkii looga shakiyo goobta uu joogo ayaa lagu dilaa waa la socotaan in ay dhiig ku daadiyeen

AL-XARAM AL-SHARIIF bal eeg bakistaan maalin ciid ah ayeey masaajid Bam ku qarxiyeen bal eeg Ciraaq markey waxgaradkii dilka ku bilaaween ayaa laga horyimid meel walba sidaas ayaa lagula dagaalamayaa aan iska qabano ayaga iyo kuwa taageera.

 

wabilahi towfiiq

W/D.X. Mohamoud
moalinm2us@yahoo.com 

 

 

 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka,

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid


Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip