Xukuumada Ethiopia oo Qalalaasaha Somalia ku Eedeysay Usama

0
Tuesday May 03, 2011 - 13:12:53 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Ethiopia oo Qalalaasaha Somalia ku Eedeysay Usama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus



War ka soo baxay xafiiska arrimaha xiriirka calamiga ah ee wadanka Ethiopia oo lagu qoray wakaaladda Wararka Ethiopia ee Walta Information ayaa waxaa lagu sheegay geerida Osama bin Laden ay ay culeyska ka qaadayso bulshada ku nool gobolka geeska Africa gaar ahaan Soomaalida.

Warkaan ayaa waxaa lagu xusay in Osama uu ahaa shaqsi dambiyo ka galay bulshada caalamka si gaar ah Soomaalida oo uu ka abaabulay dagaalo aan macno badan laheyn oo ay dad badan ku n af waayeen.

Ethiopia waxay ku eedeysay Ururka Al-Qacida iyo Osamaba inay bur buriyeen qaranimada Soomaaliya isla markaana ay qas ka abuureen gudaha Soomaaliya taasoo ay ku macneysay in ujeedka ugu weyn uu ahaa inay gabbaad ka dhigtaan waa sida warbixinta ku qorane.

Warbixintu waxay sheegtay in rag Al-Qacida ka tirsan oo ra’yi ahaan taabacsan Osama Bin Laden ay dad badani oo aan waxba galabsan ay ku dileen gudaha Soomaaliya waxayna dawlad la’aanta Soomaaliya u sababaysa Al-Qacida oo uu hogaan u ahaa Sheekh Osmana Bin Laden.

Xukuumadda Addis-Ababa ayaa sidoo kale xustay in Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalama ay dhabar jab ku noqon doonto geerida Bin Laden hase ahaatee waxaa warbixintaan lagu sheegay inuu jiro halis dhinaca Al-Shabab ka soo socota.

Wadamada Soomaaliya dariska la ah ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay dilka Osama Bin Laden inkastoo haddana ay muujiyeen cabsi amaankooda la xariira.

Dawlada Ethiopia ayaa lagu eedeeyaa inay taageero siiso dawlada KMG ee Soomaaliya iyo Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo dagaalo haatan kula jira dagaalyahanada Al-Shabab oo iyana lagu xanto inay garab ka helaan Al-Qacida


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip