Hogamiya Koxedyadi Wili Dhiga shacabka Kama Daalin !!!!!

0
Sunday June 12, 2011 - 13:53:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogamiya Koxedyadi Wili Dhiga shacabka Kama Daalin !!!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

21 Sano kadib waxa shacabka Muqdisho ay iska tuureen heeryada Gumeysigi Hogaamiye Kooxeedyadi iyo Kooxa diimeedka ku qaraabta diinta, iyagoo mar qura soo bandhigay rabitaankooda xalaasha ah kaasi oo ka fog dareen qabyaaladeed iyo mid dana gaar ahaaneedba.

Ra’iisul Wasaare Farmaajo ayaa waxa uu noqday mid Jaceyl “Xubi” Ku abuurtay Quluubta Shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo iyagoo aan ku balamin mar qura isasoo taagay dhamaan wadooyinka muqdisho kuna dhawaaqayay, “Noolow Farmaajo” Balse oraahda shacabka ee ka madaxa banaanaa rabtiaanka guracan ee hogaamiye kooxeedyada oo aysan jirin cid ay matalaan.

Waxa layaab iyo amakaag kunoqotay kadib marki dhagaha shacabka ay kusoo dhaceen hadalo ka yimid gudoomiyihi hore ee Gobolka banaadir Maxamed Dheere kaasi oo kutilmaamay kacdoonka muqdisho Inqilaab.

Maxamed dheere oo dadka muqdisho ubaxsheen magacyo badan aya waxa ugu caansanaa “Roone Daran” oo ay ula jeedaan inuusan laheen meel loogu hagaago waayo waxa uu mar astaan unoqday dadaalo nabadeed oo shacabka ay aad ugu xasuustaan dib usoo celidi bilicdi Magaalada Muqdisho isagoo si awood ah ufuray wadooyin aan la isticmaalin 20 sano.

hasa yeeshe Maxamed Dheere waa nin aragtidiisa siyaasadeed ee aad ugaabantahay mar hadii habeenki xalay ahaa kasoo yeertay hadalo ka dhan ah dareenka daacada ah ee shacabka muqdisho kuwaasi oo u hamuun qaba maamul xalaal ah oo ka madax banaan musuq maasuqa la degay dalkeena soomaaliya.

Dhankakale waxa wili aamusan qab qablayashi la jaarka ahaa Maxamed dheere sida Ninka lamagaca baxay jeneraalka ee Yuusuf Indhocade oo kal hore ku baaqay hadii aysan xukuumada dhicin inuu dib ugu noqonayo howshiisa ee uu uga dalacay sheekhnimada.

Yuusuf Indho Cade oo sidoo kale kaga mid ah is bad badalka Siyaasadeed saaxibkiis Maxamed Dheere, waxana lagu xasuusta hadalo cajiib ah , Sida qudbadihisa ku tukashada Salaada Ciida ee Addis Ababa, Ku gaal xukminti Madaxda Dowlada KMGS, isu soo dhiibidi isaga oo naf lacaari ah Dowlada Somaliya, Dib ugu dhawaqidi ururka Fashilmay ee Xisbul Islaam, iyo ku goodintiisi inuu dib ugu laabanayo Mukulaal Madownimadi G/Sh/Hoose, hasa yeeshe waxa aad loo sugaa bal jawaabta oo ka bixiyo sida uu arko dareynka Kacsan ee Shacabka Soomaaliyeed.

Talo Soo Jeedin: Hogaamiye Kooxeedyadi Muqdisho daadka socda dhiniciina ka raaca waana fursada kaliya ee shacabka idinkaga cafin karaa tacadiyadi aad geesateen waa hadii aad qeyb ka noqotaan dadaalada lagu mira dhalinayo dib uhelida qaranimada iyo xurnimada Soomaaliya oo god dheer kudhici rabta.

By: Warsheekh Media Team


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip