kooxda shabaab ayaa xalay maaafiic ku werarartay fariisimo ay ciidamada ahlusunaha iyo kuwa dowlada ku lahayeen baladxawo iyo garbaaharey.
Dagaalkaani ayaa bilaawday kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimo ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin gudaha iyo daafaha degmada Balad-Xaawo, iyadoo xiligaasi kadib ay bilaawdeen dagaal culus oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Inta la’ogyahay ku dhawaad 4-qof ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen kuwaasi oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay sida ay Idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.
Sidoo kale isla habeenimadii xalay ayaa Ciidamada ka tirsan Al Shabaab waxa ay weeraro Madaafiic ah ku qaadeen fariisimo Ciidamada Ahlu Sunna ay ku leeyihiin gudaha degmada Garbahaareey, iyadoo aan la’ogayn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Madaafiicdaasi inkastoo Saraakiisha Ahlu Sunna ay beeniyeen in qasaarooyin ay kasoo gaareen Madaafiicdaasi.
Afhayeenka Ahlu Sunna Walajamaaca ee gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xuseen Al-qaaddi ayaa waxaa uu sheegay in werarka lagu soo qaaday fariisimo ay ku leeyihiin degmooyinka Balad-Xaawo iyo Garbahaareey oo uu sheegay inaysan wax qasaaro ah kasoo gaarin hase ahaatee waxaa uu carabka ku dhuftay in qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Ciidamadii ka tirsanaa Al Shabaab.
Dagaaladaani ayaa xalay waxaa ay ka dhaceen daafadaha degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab.
Dagaalo Xalay Ka Dhacay Gobolka Gedo