Ciidamada oo ariisinka ku leha Beerta Weyne ee Cabdiraxmaan Jaamac Barre ee degmada Afgooye ayaa howlagalkii ugu balaarnaa xalay ka sameeyay Xaafado ka mid ah degamadaasi kuwasi oo isku dhereriyay xaafadaha illaa ay ka gaaraan buunadada Yar ee ay isaga kala gooshaan dadka kala degan labada dhinac ee degmada Afgooye.
Ciidanka ayaa waxaa ay qof qof u baarayeen dadka ku nool xaafadaha ay howlagalka ka sameeynayeen taasi oo hakad galisay dhaq dhaqaaqa dadka halkasi ku nool.
Iyadoo xalay bandow lagu soo rogay Degmada Afgooye waxana ay dadka bilaabeen in ay xili hore ka xaroodaan qeybaha kala duwan ee degmada Afgooye lamana oga waxa xiligan ku soo beegay dhaq dhaqaaqa iyo howlagalada ay ciidamada Ethiopia ka sameeyeen gudaha degmadaasi.
Iyadoo Ciidamada Dowlada Ethiopia ayaa waxaa ay saakay marka uu waaga baryay dib ugu laabteen fariisimihii ay ka degenaayeen degmada Afgooye.
Ciidamda Ethiopia oo habeenkii xalay ahaa howgallo ka fuliyay Degmada Afgooye ee Gobolka..
Ciidamada Wadanka Ethiopia ayaa howlagalo baaritaano ah xalay fiidkii ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.