Waxa Lagu Wadaa Maanta in uu ka furmo Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya. Shikaas ayaa sida la sheegay waxaa si weyn looga arrisan doonaa siddii wadamada gobolka ay ciidan ugu soo diri lahaayeen wadanka Soomaaliya.
Shirka IGAD ayaa siddoo kale looga hadli doonaa heshiis ay gaareen madaxda wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Uganda kaa oo ahaa in la iska kaashado la dagaalanka Ururka Al-Shabaab.
Dhinaca Dowladda KMG ee Soomaliya ayaa waxaa uga qeyb galaya Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG ee Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Gadoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Gaashandhiga Dowlada soomaaliya Xuseen Carab Ciise.
Shikani ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Urur goboleedka IGAD iyo Wadamada qurumaha ka dhaxaysa ku bohoobay Masuuliyiin ka socoda.
Shirkani oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo Magaalada Addis’ Ababa ayaa waxaa magaaladaasi ku sii qul qulaya masuuliyiinta shikaasi ka qeyb gali lahaa iyadoona qaarkood ay iminka ku sugan yihiin halkaasi.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya Siciid Yuusuf ayaa waxa uu saxaafadda uga warbixiyey Shirkaasi, waxa uuna sheegay in dalka soomaaliya ay wax weyn u baahantay oo dhinac walba ah arrimo fara badanna waxaa uu xusay in arrimo badan lagu gorfeyn doono Shirkaasi
Si kastaba Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo wadamada Kenya iyo Ethiopia ay hadda damacsan yihiin in ay ku soo biiraan ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa AMISOM iyana ku sugan yihiin qeybo ka mid ah gudaha Dalka Soomaaliya.
Shir looga hadlaya Xaalada wadanka somaliya Oo kafurmaya Ethiopia
Waxa Lagu Wadaa Maanta in uu ka furmo Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.