AMISOM oo Deeq Lacaged ka Heshay Midowga Yurub.

0
Tuesday December 06, 2011 - 13:33:51 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo Deeq Lacaged ka Heshay Midowga Yurub.

    Ururka Midowga Yurub ayaa lacago badan ugu deeqay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM eek u sugan Magaalada Muqdisho si loo xasiliyo ammaanka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Midowga Yurub ayaa lacago badan ugu deeqay Ciidamada Midowga Afrika AMISOM eek u sugan Magaalada Muqdisho si loo xasiliyo ammaanka Soomaaliya. Catherine Ashton oo ah ku xigeenka gudiga Midowga Yurub ahna, Madaxa arimaha dibadda iyo amniga ee Midowga Yurub oo Magaalada Addis’ Ababa kulan kula qaadatay Madaxda Midowga Afrika ayaa waxa ay sheegtay in Ciidamada AMISOM ay ka qeyb noqdaan xasilinta Soomaaliya iyo la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.

Mrs Ashton ayaa waxa ay sheegtay in Midowga Yurub uu ugu deeqay AMISOM lacag dhan 50-Milyan oo Euro ah si ay ugu shaqeeyaan xasiloonida dalka Soomaaliya, waxaana ay tilmaamtay in loo baahanyahay in dalka Soomaaliya uu noqdo goob xasiloon.

Madaxa gudiga horumarinta Midowga Yurub Andirs Piebalges oo Saxaafadda kula hadlay Addis’ Ababa.ayaa yiri “ Go’aankaan waa mid cad oo aan ku taageerayno howlgallada Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Muqdisho, waana mid lagama maarmaan ah si loo helo xasilooni ka dhalata dalka Soomaaliya”.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in uu uloleynayo in la kordhiyo waqtiga iyo tirada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si meesha looga saaro Xarakada Al Shabaab, gar-gaarkana loo gaarsiiyo dadka u baahan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip