AMISOM: Midowga Afrika oo dib usoo celiyay arrin ay dowladda Soomaaliya kasoo horjeedsatay

0
Wednesday December 15, 2021 - 21:00:08 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM: Midowga Afrika oo dib usoo celiyay arrin ay dowladda Soomaaliya kasoo horjeedsatay

    Waqtiga ciidamada AMISOM ay joogayaan Soomaaliya ayaa ku eg 31-ka bishan December, Midowga Afrika ayaana doonaya in heshiis laga gaaro ciidankii baddali lahaa ka hor inta aan waqtigaas la gaarin. Hase yeeshee dowladda Soomaaliya way kasoo horjeeddaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqtiga ciidamada AMISOM ay joogayaan Soomaaliya ayaa ku eg 31-ka bishan December, Midowga Afrika ayaana doonaya in heshiis laga gaaro ciidankii baddali lahaa ka hor inta aan waqtigaas la gaarin. Hase yeeshee dowladda Soomaaliya way kasoo horjeeddaa talada AU ee ku aaddan xalka.

Ilaa hadda oo ay labo isbuuc keliya harsan yihiin la iskuma waafaqin arrintan oo in muddo ah soo jiitameysay.

Midcowga Afrika ayaa ku taliyay in ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bayaan ay soo saareen Golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga ayay dalabkaas ugu gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

War murtiyeedkan ayay hoosta uga xariiqeen in qorshe walba oo lagu baddalayo AMISOM uu u baahan yahay taageerada iyo oggolaanshaha dowladda Soomaaliya. Balse Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay baaqaas.

Waxay dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dooneysaa in marka uu AMISOM waqtigooda dhammaado xukuumadda Soomaaliya lagu wareejiyo mas'uuliyadda amniga waddanka.

Xalka ugu soo horreeya muxuu noqon karaa?
Inkastoo uu taagan yahay ismari waaga la xiriira go'aankan, Axmed Xaashi oo ka faallooda siyaasadda geeska Afrika waxa uu aaminsan yahay in xalka ku meel gaarka ah uu gacanta ugu jiro Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

"31-ka December buu ku egyahay laakiin waxay ila tahay in waqtiga loo kordhin doono oo qandaraas cusub la siin doono. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayay ka codsanayaan in loo cusbooneysiiyo, laakiin sugidda amniga waddanka waxaa leh dowladda Soomaaliyeed," ayuu yiri.

AMISOM
XIGASHADA SAWIRKA,AMISOM
Dhanka kale waxa uu sheegay in mar walba awoodda ugu sarreysa ay gacanta ugu jirto dowladda Soomaaliya.

"Xukuumadda Soomaaliya waxay hoggaanka u heysaa jamhuuriyadda Soomaaliya, waxay leeyihiin madaxbannaani, markii ay rabaan ciidanka waddanka jooga way ka saari karaan.

"Madaxweynaha Soomaaliya waa taliyaha guud ee ciidamada, isaga ayaa go'aanka leh, haddii AMISOM aan raalli laga ahayd xukuumadda Soomaaliya way leedahay sharcigii ay meesha uga saari lahayd," ayuu yiri Axmed Xaashi.

Balse waa in loo maro nidaam ay qayb ka tahay inay warqad u qoraan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, iyagoo ka dalbanaya in ciidanka laga saaro waddankooda, sida uu sheegay Xaashi.

Maxaa ka jira in hubka AMISOM loo adeegsaday dagaalkii Guriceel?
Soomaaliya ma isku filan tahay bixitaanka AMISOM ka dib?
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si kulul uga hadlay dilkii AMSIOM ay dadka rayidka ah u gaysteen
Ciidamada AMISOM ayaa ka kooban dhowr dal
XIGASHADA SAWIRKA,AMISOM
Qoraalka sawirka,
Ciidamada AMISOM ayaa ka kooban dhowr dal

Ciidamada AMISOM oo ka kooban qiyaastii 20,000 oo askari ayaa Soomaaliya ka howl galayay tan iyo sanadkii 2007-dii, iyadoo dowladda Soomaaliya ka caawinayay dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab oo maamusha meelo ka mid ah Soomaaliya.

Waxay ciidankan ka kooban yihiin dalalka kala ah Uganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti.

Marka laga soo tago garabsiinta ciidanka dowladda ee la dagaallamaya al-Shabaab, howlaha kale ee AMISOM waxaa ka mid ah inay hirgeloyaan qorsheyaasha amniga dowladda, inay tababaraan ciidamada amniga Soomaaliya iyo in ay sugaan amniga goobaha laga fulinayo howlgallada gargaarka bani'aadannimo.

Tan iyo markii ugu horreysay ee la aasaasay AMISOM, laga soo billaabo horaantii 2007-dii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cusbooneysiinayay waqtiga loogu talogalay inay ku sugnaadaan Soomaaliya.

Muddo kordhintii ugu dambeysay ee loo sameeyay waxay ku egtahay 31-ka bishan December, waxaase suuragal ah in lasii cusbooneysiiyo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip