Taliska sare ee ciidamada AMISOM ayaa saxaafada uga waramay damaca Amisom ee xiligaan kuwajahan gobolada Soomaaliya oo qaarkood wili kujira gacanta ururka Alshabaab oo dagaalo xoogan kula jira Amisom iyo dowlada Somaliya.
Taliyaha ciidamada Nabad illaalinta Midoowga Africa ee ku sugan magaalada Muqdisho Fred Magusha oo ka hadlay is bedelka ka jira Magaalada Muqdisho ayaa tillmaamay in wixii ka danbeeyay markii laga saaray kooxda Shabaab magaalada Muqdisho ay xaaladda magaaladu ku soo noqoneysay mid caadi ah oo dadka ay isku halleyn karaan Nabadda ka jirta
Mr. Maguusha waxa uu xusey in maalmihii xigay bixitaanka kooxda Shabaab ay magaalada Muqdisho ka jireen arrimo ay ka mid ahaayeen qaraxyo, dhibateeyay dadka barakacayaasha ah iyo isku deyo kooxda Shabaab ay doonayeen in Muqdisho ku soo laabtaan laakin ay arrimahaasi ay hadda yaraadeen ka dib markii howlgallo lagu sugayo ammaanka Muqdisho ay ciidammada Nagabad gelyadu ka sameeyeen iyo wada shaqeyn dhexmartay dadka shacabka ah iyo hey’addaha ammaanka
“ Mgaalada Muqdisho waxaa ka jira Nabad , ganacsigii ayaa dib si xoogan u soo billaawday, waaa dhici karta in aad argto Guro bur bursan oo duqeyntu ay saameesysay . laakin waxaa jira kalsooni ay dadku ku qabaan Nabad gelyada ka jirta, taasina waxa ay ku timid wada shaqeynta.
Waxaa uu yiri taliha AMISOM in ay yaraadeen rabshadaha iyo ammaan darrada, iyo kooxihii dadka rayadka ah dhibaateyn jiray, taasina waa ay ku timid wada shaqeyn ka dhaxeeysa dadka shacabka ah iyo hey’addaha ammaanka dowladda iyo AMISOM.
Taliyaha Ciidmamada AMISOM Fred Maguusha oo ka hadlay howlagallada ka soconaya Soomaaliya inteeda kale ayaa rejo wanaagsan ka bixiyay in gobollada kale ee dalka ay la mid noqondaan magaalada Muqdisho oo kale maadaama ay wadaamo badan oo ka mid urur ka Midoowga Africa ay ku soo biireyn howlgalka soconaya taas oo ay Qaramada Midoobay ay taageersan tahay.
Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya xili maalinimadi shalay golaha amaanka ay dalbeen ciidamo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ciidamada Amisom si ay ugaaraan deegaano aan iminka gacanta dowlada kujirin.
Amisom oo qorsheyneyso duulaan kuwajahan Gobolada Somaliya
Taliska sare ee ciidamada AMISOM ayaa saxaafada uga waramay damaca Amisom ee xiligaan kuwajahan gobolada Soomaaliya oo qaarkood wili kujira gacanta ururka Alshabaab oo dagaalo xoogan kula jira Amisom iyo dowlada Somaliya.