Dowlada Somaliya oo war kale kasoo saartay xiriirka soo laabtay ee Kenya

1
Sunday June 13, 2021 - 17:54:35 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Somaliya oo war kale kasoo saartay xiriirka soo laabtay ee Kenya

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay dib u furan karto safaaraddeedii Muqdisho ayna dibloomaasiyiinteeda dib u bilaabi karaan howlahooda, taasoo ugu dambeyn soo afjari karta khilaafka labada dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay dib u furan karto safaaraddeedii Muqdisho ayna dibloomaasiyiinteeda dib u bilaabi karaan howlahooda, taasoo ugu dambeyn soo afjari karta khilaafka labada dal.


Arrintan ayaa kusoo aadaysa laba maalin ka dib markii Kenya ay dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya.

Qoraal loo diray dowladda Kenya Sabtidii ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay markii labaad muddo bil gudaheed ay caadi ka dhigtay xiriirka ay la leedahay Kenya, taasoo soo afjaraysa lix bilood oo khilaaf diblomaasiyadeed uu ka dhex jiray labada dal.

"Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya inay dib u furto howlaheeda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana waxay fureysaa safaaraddeedii Kenya,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ay heshay warbaahinta Kenya laga leeyahay ee Nation Africa.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ay bilow wanaagsan u noqon doonto wadahadalada labada dal u dhexeeya.

Labada dal ayaa khilaaf ka dhexeeyay tan iyo bishii Diseembar ee sanadkii hore markii Muqdisho si lama filaan ah xiriirka ugu jareen Kenya, iyagoo ku eedeeyay faragelin joogto ah oo ka dhan ah arrimaha gudaha Soomaaliya.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip