Dowlada Uganda oo kamid ah dowladaha ciidamadooda kusugan yihiin gudaha Soomaaliya dagaaladana kula jira xarakada Alshabaab ayaa shaaca kaqaaday in dagaalki maalinimadi Jimcada kadhacay duleedka Magaalada Muqdisho ciidamada Uganda looga dilay laba Askari oo mid yahay sarkaal sare.
Warkaani ayaa waxa si rasmi ah ugu dhawaqday wasaarada gaashaadhiga dalka Uganda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Askar kale ay kaga dhaawacmeen dagaalkaas oo ay qayb ka qaateen ciidamada Uganda oo ka mid ah kuwa AMISOM ee gacan ka siiya dowladda KMG ah dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
"Laba ka mid ah askarteenna ayaa ku dhintay dagaalkii Muqdisho, mid ka mid ah wuxuu ahaa sarkaal sare, midka kalena askari ka tirsan ciidamada lugta," ayaa lagu yiri warbixin uu wargeyska Daily Monitor kasoo xigtay wasaaradda gaashaandhigga dalka Uganda.
Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa isla maalintii Jimcihii ku sheegay shir jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay in ciidamadooda ay laba askari kaga dhaawacmeen dagaalka wax dhimasho ahna aysan kasoo gaarin.
Sarkaal u hadlay Al-shababa ayaa isaguna sheegay inay dagaalkaas ku dileen ugu yaraan 14-askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, ayna ku gubeen dagaalkaas laba ka mid ah gaadiidka dagaalka ee AMISOM.
Hadalka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Uganda ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu sheego dhimashada askarta AMISOM kasoo gaartay dagaalkii ka dhacay Muqdisho Jimcihii lasoo dhaafay.
Inkastoo iminka la dhihi karo muqdisho oo idil waxa si buuxdo gacanta ugu hayo ciidamada dowlada iyo Amisom ayaa hadana waxa jirto in wili cirifka Waqooyi ee magaalada Muqdisho ay wili kudhaw yihiin xarakada Alshabaab sida aagaga Hurwaa iyo Kaaraan.
Uganda oo qiratay in sarkaal sare looga dilay dagaaladi dambe
Dowlada Uganda oo kamid ah dowladaha ciidamadooda kusugan yihiin gudaha Soomaaliya dagaaladana kula jira xarakada Alshabaab ayaa shaaca kaqaaday in dagaalki maalinimadi Jimcada kadhacay duleedka Magaalada Muqdisho ciidamada Uganda looga dilay laba As