"Axmed Naaji, Aamina Muse & Cabdulahi Xaaji Ma Xag jirbaa?

0
Sunday June 03, 2012 - 09:15:36 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Axmed Naaji, Aamina Muse & Cabdulahi Xaaji Ma Xag jirbaa?

    Xildhibaan Daahir Maxamud Geele oo kamid ahaa mas'uuliyiinta dowlada Somaliya uga qeybgashay shirka Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa si adag uga hor yimid hadal heen hoose oo la isla dhax marayay taasi oo lagu eedeeyay jameecada talada dalka hees

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Daahir Maxamud Geele oo kamid ahaa mas'uuliyiinta dowlada Somaliya uga qeybgashay shirka Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa si adag uga hor yimid hadal heen hoose oo la isla dhax marayay taasi oo lagu eedeeyay jameecada talada dalka heeso ee reer Aala Sheekh.
Xildhibaan Geele ayaa tilmaamay in shirka uu ahaa mid umada Soomaaliyeed sharaf usoo hoyay isla markaana ay kaqeybgaleen dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada hadii ay ahaan laheed Culimada, Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Suxufiyiinta, Hooyooyinka iyo dhamaan qeybaha bulshada ee ka kooban tahay.

"Anigu ma garan karo hadii ay xag jir noqdeen Raga mutacalimiitna ee shirka kaqeybgalay sida Prof: Cabdirisaaq xaaji Xuseen, Ustaad Axmed Naaji, Aamina Muuse Wehliye, Claahi Xaajigi BBC-da iyo wajiyo kale oo dhamaan sumcad kudhax leh bulshada ayaa ka muuqday shirka balse hadii dadkaasi xag jir noqdaan waxa umaleena in Soomaalida badankood xag jir noqon doonaa", ayuu yiri xildhibaan Daahir Maxamud Geele.

Xildhibaanka ayaa markale beeniyay in mas'uuliyiinti Maxaakimta ay hor boodayeen shirka isla markaana ay yihiin urur xag jir oo xili kooban talada dalka qeybo kamid ah soo qatay ayuu yiri: "Meel Maxaakiimta Islaamiga loogu aqoonsaday xag jir aniga ma ogi".

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka hor yimid hadal Ra'isul Wasaare Gaas ku xaalmariyay madaxda Puntland iyo Galmudug oo cabasha ka muujiyay sida loo maamula kaqeybgalayaasha Shirka Stanbul.

"Aniga ma garan karo waxa ay tabanayaan maamuladaasi mar hadii ay fanaan qeybihi kala gedisan ee bulshada dhulka kasoo jeedo sida Jaamacadaha Puntland University, Bariga Afrika, Simad iyadoo sidoo kale ay xataa soo xaadireen dalada culimada Soomaaliyeed iyo Suxufiyiin"

Inkastoo shirka Stanbul ahaa mid taariikhi ah isla markaana ay soo xaadireen dhamaan wadamada caalamka ugu tunka weyn ayaa waxa dhanka kalena dhaliilo ay ka imaanayaan qeybo kamid ah bulshada Soomaaliyeed kuwaasi oo muujiyay saluug ku aadan hanaanka loo maamulay dadki kaqeybgalay shirka.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip