Wafdi Culus Uu Hogaaminayay Xildhibaan Qaasim Cali Nuur (Furdug) Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degmada Warsheekh

0
Monday February 15, 2016 - 09:00:10 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 3264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi Culus Uu Hogaaminayay Xildhibaan Qaasim Cali Nuur (Furdug) Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degmada Warsheekh

    Xildhibaan Qaasim Cali Nuur (Furdug) oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa socdaal shaqo ku yimid degmada, isagoo ay wehliyaan wakiilo ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur (Furdug) oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa socdaal shaqo ku yimid degmada, isagoo ay wehliyaan wakiilo ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada.

Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) Guddoomiyaha degmada Warsheekh oo ka mid ahaa dadkii soo dhaweyay wafuudaas uu xildhibaanka hogaaminayay ayaa u mahad celiyay intii ka qeyb qaadatay soo dhaweynta wafdiga, isagoo intaas raaciyay inay aad ugu faraxsan yihiin socdaalka Xildhibaanka ku yimid degmada Warsheekh.

Gudoomiye Shiidka oo ka hadlayay munaasabada soo dhaweynta ayaa waxa uu yiri"Maanta, maalin farxadeed ayay noo tahay farxadda aan ku soo dhaweeyneyno xildhibaankeena xildhibaan Qaasim Cali Nuur, wakiilada ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha, Waxaana leeyahay ku soo dhawoow xildhibaane waxaana kugu soo dhaweeyneynaa degmada Warsheekh oo ah degmadaada.

Sidoo kale Xildhibaan Qaasim Cali Nuur ayaa isna dhinaciisa sheegay in uu u shaqeyn doono bulshada isagoo kulamo la qaatay qeybaha bulshada degmada, sidoo kalena booqasho ku tagay Guriga Sheekha Degmada Sheekh Qaasim Sheekh C/raxmaan (Celi).

Xildhibaan Furdug mar uu la hadlayay bulshada ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa "Aad ayaan ugu farax sanahay in aan maanta imaado Degmada Warsheekh anigoo xildhibaan ka soo jeeda deegaanka kana dhex shaqeeyo Degmada Warsheekh iyo deegaanada hoosyimaada.

Ugu dambeynti, safarka Xildhibaanka iyo wakiilada ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa ku soo dhamaaday jawiga aad u degan iyo iyagoo waji farxad leh ku macasalaameeyay shacabka ku dhaqan degmad Warsheekh.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip