Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Friday January 02, 2009 - 12:00:56 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Axmed ma uusan eegin mushakalkii aan u dhigay ee akhriskii ayuu sii watey. warqadda uu akhrinaayeyna waxay ka koobneyd saddex bog oo far aad u yaryar ka muuqatey,markii uu dhameeyay akhriskii ayuu warqaddii ii soo taagey dabadeedna intaan ka qabsadey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed ma uusan eegin mushakalkii aan u dhigay ee akhriskii ayuu sii watey. warqadda uu akhrinaayeyna waxay ka koobneyd saddex bog oo far aad u yaryar ka muuqatey,markii uu dhameeyay akhriskii ayuu warqaddii ii soo taagey dabadeedna intaan ka qabsadey ayaan weydiiyay cidda u soo dirtay? Saaxibkey Axmed wuxuu jawaab iiga dhigay ma garanaayo qofka soo diray ee adigu akhri.

Waan la yaabey jawaabtaas waayo waxaa hore u dhici jirtay marka aan weydiiyo waraaq uu akhrinayey cidda u soo dirtay ; inuu fikrad iga siin jiray magaca iyo cidda u soo dirtay iyo waxa waraaqda ku qoran guud ahaanba.

Mushakalkii aan cabayey ayaan iska dhigay anigoo ay feeyjignaan igelisay jawaabta Axmed keddibna warqaddii ayaan akhris ku bilaabey.

Iga Guddoon salaan diirran oo kal iyo laab ah anigoo Ilaah kaaga rejeynaaya caafimaad,cimri dheeriyo barwaaqo - salaan keddib.
Sida ay ila tahay ma nihin laba qof oo is garanaya walow aan aniga qaar ka mid ah wiilal aad saaxib tihiin is garaneynooo aan guryahooda tago aana ka maqlo mar marka qaarkood iyagoo kaa sheekeynaaya.

maanta oo ah 19-ka Novembar ..... waxay aheyd inaan warqaddaan u diro ruux aan haatan ku sugneynhalka aad adiga joogtid sida aan filayo, balse waxaa Ilaah qadderay inaan adfiga kuu soo diro.

19-ka Novembar runtii waxay iga mudan tahay xusuus iyo xushmeyn walow waqtiyadaan dambexiisihii aan u qabey maalinba maalinta ka dambeysa hoos u sii dhacayey.

Qisada maalintan iyo xiisaheedaba waxay bilowdeen sanadkii (.........) wax kale ma aha ee ruux aad iyo aad qaali iigu ahaa oo aan ilaa yaraantiisii garanaayey ayaan si rasmi ah isu baraney maalintaas si buuxda ugu sharxay inaan jecelahay oo aan ka maarmin.

Qof keebaad u maleyn kartaa inuu yahay ruuxaas ? ma filaayo ilaa haatan oo aad sadarkaan akhrineysid inaad xitaa maleyn iyo mala -awaalba ku garan karinama aad ku soo dhaweyn karin.

Qof kale ma aha qofkaasi waa Ruuni - laga bilaabo xarafkaan ama weedhaan aad akhrineysid ii saamax inaan Ruuni soo magac qaado waayo waa xaaskaagii . Taariikhduna mar haddii ay tahay wax jira oo dhacay maaha wax la qarin karo . haddii arrinkan la sheego iyo haddaan la sheeginba kolleytaba waad maqli laheyd waqtigii ay noqoto inaan anigu ka mid ahaa (haddii ay jiraan)raggii gabadhaas jeclaadey oo iney guursadaan damcey balse aan eebbe calafkooda ka dhigin .

Ruuni gabar edeb iyo akhlaaq ku dhan ama ugu soo dhawaan karta xaafaddeyna ma ay degganeyn, taasna ma aha iska ammaan oo kaliya ee waa wax ilaahey og yahay , sidaas darteedna Ruuni yuusan wax shaki ah kaa gelin.

Ruuni Sidaan u jeclaa haddii aan aan ku iraahdo waan kaaga warrami aniga iyo adigaba waan shaqo gefeynaa waqti dheer ayaana naga lumaya , waxaanse kuugu soo koobayaa maalin anigoo la jooga iyada inaan ku iri" Ninkii adiga ku guursadaa adduunyo oo idil ayuu faraha ku dhigay raaxadeeda oo dhanna eebbe ayaa haleelsiiyay waayo waxaa Ilaah nasiibkiisa ka dhigay inuu nolosha kula qeybsado" .


la soco Khamiis Kasta

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com,

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip