Akhriso:-Tiradda dhaawacyada Lageeyay Isbitaalada Muqdisho kadib weerarkii shalay

0
Saturday November 10, 2018 - 10:42:59 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Tiradda dhaawacyada Lageeyay Isbitaalada Muqdisho kadib weerarkii shalay

    Waxaa weli sii kordhaya Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii lagu weeray Hotelka Saxafi ee ku yaalla wadada aadka u mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama ee Magalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa weli sii kordhaya Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii lagu weeray Hotelka Saxafi ee ku yaalla wadada aadka u mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama ee Magalada Muqdisho.

Qaar kamid ah isbitaalada waa weyn ee Magaalada ayaa waxaa la dhigay dad badan oo ku dhaawacmay qaraxyadaasi oo qaba dhaawacyado kala duwan.

Isbitaalka Digfeer oo ku yaalla Degmada Hoden Gobolka Banaadir ayaa waxaa la dhigay 42 qof oo ku soo dhaawacmay weerarkii Saxafi,kuwaasi oo isugu mas’uuliyiin iyo dad kale oo shacab ah.

Sidoo kale Isbitaalada Daauru shifaa iyo Muqdisho City ayaa waxaa la gaarsiiyay 27 qof oo dhaawac ah oo lagu dabiibayo xaaladood caafimaad.

Dhinaca kale Isbitaallada Madiina,Shaafi iyo Somali sudanes ayaa waxa xalay la dhigay in badan 37 ruux oo ku soo dhaawcmay Qaraxyadii lagu weeray Hotelka Saxaf ee Magaalada Muqdisho,kuwaasi xaaladood caafimaad lagu dhaqaateerka caafimaadka ay la tacaalayaan.

Dadka ku waxyeeloobay Weerarka ayaa waxaa ka mid ah Cabdi Fitaax Cabdirashiid Shire Ilqeyte oo qaraxaas ku dhintay,waxaa dadka ku dhaawacmay ka mid ah Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan Cabdi Fitaax Bashiir Cali Mire iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho,iyaga oo sheegay in ay ku dileen Saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda Federaalka.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip