Ahlusunah oo amar kasoo saartay iibinta raashinka Bisil

0
Saturday July 21, 2012 - 13:53:33 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlusunah oo amar kasoo saartay iibinta raashinka Bisil

    Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa mamnuucay in deegaannada ay ka taliyaan lagu iibiyo raashin bisil maalintii inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa mamnuucay in deegaannada ay ka taliyaan lagu iibiyo raashin bisil maalintii inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Madaxa garsoorka maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe, Sheekh Saciid Sheekh Maxamed ayaa sheegay in maamulkooda uu mamnuucay in raashib bisil la iibiyo, wuxuuna tilmaamay inay amreen in maqaayadaha waaweyn ee ku yaalla gobolka Galgaduud irdaha la isku dhuftay.

Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka lagu maray inay soo xiraan qofkii la arko isagoo cunto bisil iibinayo maalinti, wuxuuna sheegay in qofkii lagu soo qabto sharciga la marsiin doono.

Sheekh Saciid wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay kormeeri doonaan magaalada, si ay uga hor-tagaan in cunto bisil la iibiyo inta bisha barakeysan ee Ramadaan ay socoto.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip