Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Friday January 16, 2009 - 10:55:09 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Cudur Daar: Dhamaan Aqristayaasha Webka Warsheekh Gaar ahaan kuwa ku tixan had iyo jeer Qormooyinka Sheekooyinka gaar ahaan Sheekada Xiisaha Badan ee Dhaawac aan Bogsoon waxa ka cudur daaraneenaa hakadki ku yimid taxanaha sheekada ee isbuuxi hore sab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudur Daar: Dhamaan Aqristayaasha Webka Warsheekh Gaar ahaan kuwa ku tixan had iyo jeer Qormooyinka Sheekooyinka gaar ahaan Sheekada Xiisaha Badan ee Dhaawac aan Bogsoon waxa ka cudur daaraneenaa hakadki ku yimid taxanaha sheekada ee isbuuxi hore sababa farsamo awgeed, waxana rajeyneenaa in aynaga aqbali doonaan aqristayaasheena Cudur daarka , Mahadsanidin


Si intaas ka sii qoto dheer si aan kuugu dareensiiyo halka uu gaarsiisnaa jaceylkaan u qabey Ruuni bal aan marka hore si kooban kuugu dulmaro macnaha labada erey ee kala ah yididdiilo iyo quusasho.

Yididdiiladu waa ileys meel fog uga biligleeya qofka una ifiya mugdiyada nolosha iyo halkuu mari lahaa, kuna toosiya waddada habboon, waa tamar qofka ku dhalisa inuu dhaqaaqo laabtiisana qaboojisa kuna beerta inuu ku dadaalo sidii uu ku heli lahaa wuxuu doonayey , waxay u horseeddaa yididdiilada qofka firfircowni mid nafsiyadeed iyo mid jireedba iyo inuusan ka daalin inuu joogteeyo isku dayidda iyo laablaabidda dadaalkiisa si uu u haleelo doonistiisa.

* maxaa ku qasba Beeraleyga inuu dadaalo uuna dhidido? waa yididdiilo uu ka qabo inuu badar helo.

*Maxaa ku qasba Ganacsadaha safar dheer oo uu naftiisa ku qatar gelinaayo inuu aado? waa yididdiilo uu ka qabo inuu kasab badan helo.

*Maxaa ku qasba ardeyga inuu aqris ku daalo oo uu habeenkii saacado dambe soo jeedo? waa yididdiilo uu ka qabo inuu darajo badan helo imtixaankana uu ka gudbo.

Waxaa hore loo yiri: maxaa ka ciriiri badan Nolosha hadduusan jirin fagaaraha yididdiilada! .
Halkaas waxaa kaaga muuqanaya in yididdiiladu ay nolosha lagama maarmaan u tahay

Quusashada waa: iyadoo dhimbilihii yididdiilada qofka laabtiisa shidayey ay ka damaan , duntii rejada ay ka go'do, waa cilladda ugu weyn oo qofka niyad jab u keenta noloshiisana baabi'isa, dadaal iyo shaqana ka fogeysa.

Ruuni waxay aheyd yididdiiladii ugu weyneyd oo aan dunida ka lahaa , markii ay iseegteyna waxaan dareemay dhaawac aad u xanuun badan , burbur aad u weyn ayaa nolosheydii ku yimid , meherkeeda markaan maqleyna waxaan la mid noqdey qof madaxa bur weyn lagala dhacay oo xanuun iyo wareeba la suuxay

Hana la yaabin tilmaanta aan ka bixinaayo xaaladdaas ila soo gudboonaatey waayo dhacdadu sidey aheyd ayaan kuugu soo tebinyaaye!.

Markaan soo baraarugey ilaah ayaan u noqdey waxaana ku celceliyay ayaadda qur'aanka oo markii masiibo dhacdo layiraahdo(ilaah baa na leh isaga ayaana u soo noqon).


la soco Khamiis Kasta

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com,


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip