Falanqeynta UCL ee Group G (Barcelona v Celtic) (Spartak Moscow v Benfica)

0
Tuesday October 23, 2012 - 11:16:26 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta UCL ee Group G (Barcelona v Celtic) (Spartak Moscow v Benfica)

    (Laacib.net) Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhaweyn doonta Celtic, halka Benfica ay booqan doonto Spartak Moscow, ciyaaraha Group G Champions League ee caawa dhacaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Laacib.net) Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhaweyn doonta Celtic, halka Benfica ay booqan doonto Spartak Moscow, ciyaaraha Group G Champions League ee caawa dhacaya.


Kooxda reer Scotland ayaa ka warqabta in dhibic ay ku helaan Catalonia inay siin doonto kalsooni ay uga soo baxaan wareega group-yada.

Celtic ayaa 5-0 kaga badisay St Mirren horyaalka Scotland sabtidii, waxaana ay ku wajahan yihiin Barcelona, iyagoo ka soo badiyay Spartak islamarkaana barbaro la galay Benfica ilaa iyo haatan tartankaan.

Barcelona ayaa hogaanka Group G ku heysa lix dhibcood, iyaga ayaana ugu cadcad kulanka ay la leeyihiin Celtic, laakiin kooxda Neil Lennon ayaa laga yaabaa inay natiijo ka helaan Barca hadii ay ka faa’ideystaan dhibaatada daafac ee heysata kooxda Blaugrana.

Ka dib sideed kulan oo la ciyaaray La Liga, Barcelona ayaa laga dhaliyay 11 gool, halka kulankii ay garoonkooda ku ciyaareen ee Spartak Moscow, ay kaga badiyeen 3-2.

Tusaale waxaa u ah dhibaatada daafac ee Barcelona heysata kulankii ay la ciyaareen sabtidii Deportivo La Coruna oo ay kaga badiyeen 5-4.

Inkastoo Barcelona daafaceeda uu kala dhantaalan yahay, hadana Celtic ayaa u baahan inay mucjiso dhacdo si ay guul ugu gaaraan garoonka Camp Nou.

MAXAA KA CUSUB?

Sergio Busquets ayaa seegi doona kulankaan madaama ganaax labo kulan ah uu ku maqan yahay, Xavi oo kursiga keydka ku bilowday kulankii Deportivo ayayna u badan tahay inuu khadka dhexe ku soo bilowdo.

Gerard Pique iyo Carles Puyol ayaa weli ka maqan wadnaha daafaca Blaugrana, Alex Song iyo Javier Mascherano ayayna u badan tahay inay booskooda sii buuxin doonaan.

Dani Alves ayaa weli ka shaqeynaya sidii uu ku soo laaban lahaa, sidaasi darteed Martin Montoya ayaa ka sii ciyaari doona daafac midig.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

BARCELONA

Valdes
Montoya, Song, Mascherano, Alba
Fabregas, Xavi, Iniesta
Alexis, Messi, Villa
CELTIC

Forster
Lustig, Wilson, Mulgrew, Izaguirre
Wanyama, Brown
Forrest, Ledley, Commons
Hooper

Dhanka kale kooxaha Benfica iyo Spartak Moscow ayaa labadoodaba waxa ay baahi u qabaan inay guul gaaraan marka ay caawa geesaha isgeliyaan.

Labada kooxood ayaan wax guul ah gaarin ka dib labo kulan ay soo ciyaareen wareega group-yada.

Benfica ayaa heysata hal dhibic , halka Spartak aysan laheyn wax dhibic ah, laakiin guul ay garaan midkood waxa ay cadaadis gelin doontaa Celtic kuwaasoo ku jira kaalinta labaad islamarkaana leh afar dhibcood.

GROUP G:

Spartak Moscow v Benfica — Waqtiga 7da fiidnimo xilliga Soomaaliya

Barcelona v Celtic — Waqtiga 9:45 p.m xilliga Soomaaliya

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip