Maxamuud Caydiid Dirir; " Uma Dulqaadaneyno Gardarada Somaliland

0
Tuesday November 27, 2012 - 11:22:15 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Caydiid Dirir; " Uma Dulqaadaneyno Gardarada Somaliland

    Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku eedeeyay inay ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland galeen deegaanno hor leh oo ka tirsan Puntland., wuxuuna ku eedeeyay maamulka Somaliland inay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan deegaanno ka t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku eedeeyay inay ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland galeen deegaanno hor leh oo ka tirsan Puntland., wuxuuna ku eedeeyay maamulka Somaliland inay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan deegaanno ka tirsan Puntland.
Maxamuud Caydiid Dirir ayaa cambaareeyay joogitaanka ciidamo ka tirsan Somaliland ee degmooyinka Xuddun iyo Dhahar oo ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag. , isagoo sheegay inaysan Puntland u dulqaadan doonin gardarrada qaawan iyo is-ballaarinta ku salaysan xudduudihii gumaysiga, waxa uuna intaas ku daray inuu maamulka Somaliland boob ku waday deegaannada Puntland tan iyo aasaaskii maamulka sannadkii 1998-dii.

Wasiirka waxa uu ugu baaqay ciidamada maamulka Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan deegaannada Puntland, si looga hortago khalkhal ku yimaada ammaanka iyo wada noolaanshaha labada shacabka ee walalaha ah.

Dhinaca kale dhowr jeer oo horay ayay Puntland sidaan oo kale dhowr jeer oo hore ugu cambaareeyay maamulka Somaliland inuu faragelin ku hayo deegaano ka tirsan maamulkooda.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip