Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Thursday January 29, 2009 - 21:16:35 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Intaas waxaa raacsanaa Qore Mukhtaar, POBOX ............... Mogadishu -- Somalia. Anigoo la yaabban hadallada warqadda ku qoran ayaan hore ka weydiiyay Axmed: Ruuni sow ma'aha gabadha aad mehersatay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intaas waxaa raacsanaa Qore Mukhtaar, POBOX ............... Mogadishu -- Somalia. Anigoo la yaabban hadallada warqadda ku qoran ayaan hore ka weydiiyay Axmed: Ruuni sow ma'aha gabadha aad mehersatay?

Intaas waxaa raacsanaa Qore Mukhtaar, POBOX ............... Mogadishu -- Somalia.

Anigoo la yaabban hadallada warqadda ku qoran ayaan hore ka weydiiyay Axmed: Ruuni sow ma'aha gabadha aad mehersatay?

Si culeys ah ayuu iigu jawaabey Axmed" haa waa iyada "

-- Ruuni intaadan mehersan hore ma u tiqiin?

-- Iyada ahaan waagii ay yareyd ayaa iigu dambeysay , laakiin waxaan si wanaagsan isu niqiin
Qoyskeeda.

-- ma afartankii cisho oo kaliya ee fasax ahaanta ula joogtay ayaad intaad is barateen hore iska
mehersateen?

-- Qiyaastii waa sidaas in kasta oo dad qoyskeena ka mid ah oo ay la joogtay ay garab igu siiyeen
inaan guursado.

-- Imise ayey joogtay dalka ay haatan ka shaqeysato?.

-- Qiyaastii saddex sano ku dhawaad.

-- Adiga wax maka weydiisay taariikh nololeedkeeda inta aadan mehersan?

-- Kama fikirin arrintaas.

-- Waxaa loo baahnaa inaad dhan kasta ka darsto taariikh nololeedkeeda intaadan go'aan la
gaarin.
-- Waa loo baahnaa sidaas.

-- Wax dhibaato weyn ahi maaha waayo waxaa dhici karta iney Ruuni ku magac tahay qofka uu
sheegayo ninkan warqadda soo qoray.

-- Wax kasta ayaa dhici kara laakiin haddii aaney wax jirin aniga maxaa si toos ah warqaddan la iigu
soo diray?

Ma aan u jawaabin saaxibkey balse anigoo yaabban ayaan ku dhaqaaqey howlihii uu isagu waqtigaas ku qornaa ee ahaa cunno karin , keedibna markaan casheynay TV ayaan fiirsanney iyadoo uu saaxibkey Axmed Fikirsan yahay murugana ka muuqato.

War sidaas u badan ma'aanan is dhaafsan , annagoo weli kala aamusan ayaan anigu hurdooday keddibna waan iska seexday .

Mar aan saqdii dhexe ka soo kacay anigoo doonaya inaan suuliga aado ayaan waxaan uga jeedi waayey sariirtii agteyda aheyd saaxibkey Axmed misna intaan soo dhaqaaqey ayaan ugu imid isagoo weli halkii aan uga tegay iska fadhiya aadna u murugeysan wax TV ama Video ahna daawaneyn , nalkii caadiga ahaana uu u shidan yahay warqadihii la soo direyna ay hortiisa yaallaan.

La soco Khamiista dambe.

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip