Sir Alex Oo Sheegay In United Ay Kaga Dhaw Dahay Real U Soo Bixitaanka Wareegga 8-aad

0
Thursday February 14, 2013 - 11:18:58 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sir Alex Oo Sheegay In United Ay Kaga Dhaw Dahay Real U Soo Bixitaanka Wareegga 8-aad

    (Laacib.net)Tababaraha Man United Sir Alex ayaa ku tilmaamay natiijada bar bar dhaca ee ay Real garoonkooda kula soo galeen mid aad ugu wanaagsan kooxdiisa isaga oo xusay in lugta labaad ee garoonkooda lagu qabanayo ay u noqoneyso mid sahal ah .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Laacib.net)Tababaraha Man United Sir Alex ayaa ku tilmaamay natiijada bar bar dhaca ee ay Real garoonkooda kula soo galeen mid aad ugu wanaagsan kooxdiisa isaga oo xusay in lugta labaad ee garoonkooda lagu qabanayo ay u noqoneyso mid sahal ah .

” In lagu badiyo garoonka Bernabéu waa mid adag cid walibana garaneyso balse natiijada haatan aad ayay noogu wanaagsan tahay , dhab ahaantii United ayaa u dhaw in wareegga 8-aad u soo baxaan , natiijadaan waxa ay nasiineysaa niyad wanaag” ayuu sii raaciyay .

Sir Alex ayaa qiray in United qeybtii hore ee ciyaarta laga kubad wanaagsanaa isaga oo yiri ” runtii qeybtii hore waa ay naga wanagsanayeen balse qeybtii dambe is badelo gudaha garoonka aan ka sameeyay oo aan Welbeck qadka dhexe ku keenay si uu isu hor taago Alonso wax weyn ayay inoo tartay”.

Lugta labaad ee kulanka Real iyo United ayaa waxa uu ka dhacayaa garoonka Man United bisha dambe ee March , waxaana labada koox ay dagaal u galayaan in ay u soo baxaan wareegga 8-aad ee champion-ka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip