Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Friday February 06, 2009 - 14:32:57 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Hurdadii ayaa iga haaddey, waxaana soo fariistay agtiisa, waxaana weydiiyay sababta uu weli halkan u fadhiyo oo uu la fikirsan yaha?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hurdadii ayaa iga haaddey, waxaana soo fariistay agtiisa, waxaana weydiiyay sababta uu weli halkan u fadhiyo oo uu la fikirsan yaha?.

Indho aan jecleysan ayuu igu eegey , wuxuuna igu yiri: waxa aan ka yaab banahay sida aan ka yeeli doono Ruuni, maxeysi iigu sheegi weysay iney horey nin kale xiriir ula laheyd oo ay ii khiyaantay?

Intaan hadalladaas la yaabey ayaan ku iri: adiga go'aan hore haka gaarin, bal marka hore wax hubso oo xaqiiji in Ruunida uu ninkan sheegayo ay tahay xaaskaaga , keddib markii ay noqoto runka fikir wixii aad ka yeeli laheyd .

Wuxuu yiri Axmed: aan hubsadee xaggeen ka hubsadaa oo aan la xiriiraa?.

Cabbaar ayaan fikirsanaa , keddibna waxaan iri:maadaama uu ninkaan annagoon aqoon nala soo xiriiray oo uu warqaddaan noo soo diray , isaga qudhiisa ayaan warqad ku weydiineynaa arrimaha Ruuni, kolleytaba sida ay ila tahay ma filayo inuu wax naga qarin doono.

Iyadoo la moodo Axmed in fallaar laga siibay ayuu igu yiri: waa fikard fiican isla hadda warqad u qor oo noo weydii wixii uu fikrad ka haayo Ruuni.

Suuligii aan u socday markii aan ka soo lkaabtey ayaan warqad iyo qalin soo qaatey Axmed ayaana la soo ag fariistay waxaana qoray ereyadan;-

Ku: Mukhtaar POBOX(..........) Mog -- Somalia

Iga guddoon salaan aad u diirran, wey isoo gaartey warqaddii aad ii soo qortay oo aad iiga soo hadashay xiriirkii aad hore u lahaan jirteen adiga iyo Xaaskeyga Ruuni.

Sida aad iisoo qorteyna waa run in taariikhdu ay tahay wax jiray oo dhacay oo aan la qarin karin, maalintii ay noqotana la ogaan doono
, bal si aan u hubsanno in Ruunida aad sheegeyso ay tahay xaaskeyga, iiga soo hadal maalintii ugu horreysay oo aad Ruuni u jeedday ilaa hadalkii isugu kiin dambeeyay oo aad is dhahdaan , anigoo weliba kaa codsanaya inaad warqadda ii soo raaciso wixii markaati ah oo caddeynaayo in Ruuni xiriir idiin dhaxeeyay iina soo daadeji sheekadeeda si aan tallaabo uga qaadoarrintaas haddii ay run noqoto.
Mahadsanid.
Qore Axmed.

Warqaddii ayaan tusiyay Axmed markuu akhrinteedii dhameeyeyna wuu la dhacay sida aan u qorey wuxuuna iga codsadey inaan isla berrito Boostada dhigo keddib markii aan koobbi nooga reebo, waana kala seexanney.

Subaxnimadii markaan shaqada soo aadney , koobbi ayaan ka sameeyay warqaddii, keddibna Boostadii ayaan ku diray.

Maalintaas keddibna saaxibkey Axmed habeen kasta soojeed rasmi ah ayaa u bilowdey , si kasta oo aan isugu dayo inaan Axmed illowsiiyo arrinta Ruuni waan ku guuleysan waayey.

La soco Qeybta Dambe

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip