Shacab careysan oo Shabaab ka dilay in kabadn 10 dagaalame.

0
Friday May 24, 2013 - 16:56:53 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacab careysan oo Shabaab ka dilay in kabadn 10 dagaalame.

    Sida ay baahisay idaacad Bar-kulna 12-dagaalame oo Shabaab ah ayaa waxaa dila shacab careysan oo is abaabul kadib markii deegaan ay ku noolaayeen afar ruux maalma ka hor shabaabku ay ku khaarijiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay baahisay idaacad Bar-kulna 12-dagaalame oo Shabaab ah ayaa waxaa dila shacab careysan oo is abaabul kadib markii deegaan ay ku noolaayeen afar ruux maalma ka hor shabaabku ay ku khaarijiyeen
Iyada oo xiganeyda idaacadu sarkaal ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku sugan Hiiraan ayeey baahisay maanta in shabaabkaasi lagu laayay deegaanada Ceel-cadde oo 40 KM u jira deegaanka Dudumoqaris ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Deegaanka ayaa maalintii Arbacada aheyd waxa ay Shabaab ku dileen dad shacab ahaa arintaasi oo soo kicisay dadka ku qamaamay Shabaabka ee ka dilay 12-ka dagaalame.

Maxamed Ibraahim Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Hiiraan oo ah sarkaalka dowlada ka tirsan ee xaqiijiyay dhacdadaan ayaa waxa uu ku daray hadalkiisa in Shabaabka lalaayay uu ku jiro nin xubin sare ah oo lagu magacaabi jiray Faarax Af-libaaxle.

Kooxda careysan oo aan tiradooda la sheegin ayaa wararku waxa ay intaa ku darayaan in ay iska soo abaabuleen deegaanada Dudumoqaris iyo Sabaxume .

Shabaab ayaa shan qof oo shacab ah waxa ay ku khaarijisay deegaanada Dudumoqaris iyo Sabaxume Arbacadii tagtay arintaas oo abuurtay walaac xoogan.

Shabaab kama hadlin dhacdadaan mana jirto cid ka madax banaan masuulkaan oo cadeyn karta sida wax u dheceen.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip