Ciidamo Ethiopian ah oo la'aaminsanyahay in ay baacsanaayan Xassan Dahir Aweys oo Mudug ku wajahan

0
Tuesday June 25, 2013 - 06:43:27 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Ethiopian ah oo la'aaminsanyahay in ay baacsanaayan Xassan Dahir Aweys oo Mudug ku wajahan

    Wararka laga helaayo gudaha Ethiopia ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo Meleteri ah oo ay leedahay dowlada Ethiopia kuwaas oo ku soo jeeda gobalka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helaayo gudaha Ethiopia ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo Meleteri ah oo ay leedahay dowlada Ethiopia kuwaas oo ku soo jeeda gobalka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa waxaa la sheegay in si gaar ah ay uga soo anba baxeen magaalada Galaadi ee dhulka Soomaalida Ethiopia iyaga oo ku soo jeeda gobalka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya halkaasi oo oo ay gaareen maleeshiyaad uu hogaaminayo Xassan Daahir Aweys oo doon ku gaaray halkaasi.

Deegaanleyda Galaado ayaa waxa ay xaqiijiyeen in ciidankaasu ay ka soo ruuqaansadeeen deegaankaasi iyaga oo wata gaadiidkooda dagaalka ayna u soo jeheesteen Mudug inkata oo aysan iyagu sheegin goobta rasmiga ah ee xilligaan ay si toos ah u abaari doonaan.

Xassan Daahir Aweys oo Shabaab ay sheegeen in uu si dhuumaaleysi ah uga baxay degmada Baraawe ayaa waxa uu shalay gaaray degmada Hobyo iyada oo dagaalamayaal kaabaya oo ka tegay Xarar dheere ay ku biireen maleeshiyaadka uu wato oo xilligaan ku sugan meel duleedkaka ah garoon diyaaradeed oo Hobyo ay leedahay.

Kooxda Shabaab ayaa waxa ay ku qoreen baraha internetka in Xassan Daahir Aweys uu Shabaabka ka baxay oo uu doonayo in uu ku biiro dowlada Soomaaliya inkasta oo Xassan uusan wali ka hadlin hadafkiisa.

Si kastaba, waxaan si rasmi loo ogeyn ciidamada Ethiopia in ay baacsanayaan Xassan Daahir Aweys iyo maleeshiyaadka uu wato ee xilligaan ku sugaan duleedka Hobyo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip