Madaxweynaha oo shaaciyey Shirka Brussels ee 16ka September.

0
Wednesday June 26, 2013 - 18:09:13 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo shaaciyey Shirka Brussels ee 16ka September.

    Muqdisho 26 June 2013 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Afrika ee Midowga Yurub Mr Nick Westcott iyo Safiirka Midowga Yurub Michelle Cervone kalan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho 26 June 2013 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Afrika ee Midowga Yurub Mr Nick Westcott iyo Safiirka Midowga Yurub Michelle Cervone kalana hadlay shirka Brussels lagu qaban doono 16ka September 2013 iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya.
Shirka ka dib ayey labada mas’uul shir jaraa’id ku wada qabteen Xafiiska Madaxtooyada oo ay shaaciyeen in shirka Brussels uu dhici doono 16ka September 2013 loogana hadli doono sidii loo taageeri lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaheeda dib-u-dhiska Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey dadaalkooda iyo go’aankooda ah inay Xafiiskii Midowga Yurub ay dib uga furayaan dalka gudihiisa, sheegeyna inay shacabka Soomaaliyeed muhuum u tahay inay Midowga Yurub dalka gudihiisa ay ka howlgalaan oo xafiisyadooda ka furtaan. Waxuuna sheegey in Dowladdu ay ku taageeri doonto Midowga Yurub sidii xafiiskaas Muqdisho looga furi lahaa.

Madaxweynaha oo ka jawaabay su’aal aheyd maxuu shirkan uga duwan yahay shirarkii horey loo qaban jirey ayaa ku yiri “ Shirkan Brussels ka dhacaya 16ka September 2013 waa mid Dowladdu ay la hortageyso qorsheyaasheeda dib-u-dhiska dalka oo ka tarjumaya baahida dhammaan deegaanada Jamhuuriyadda Soomaaliya, caalamkuna ay maanta diyaar u yihiin in la sii xoojiyo guulaha amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya.

“Soomaaliya oo maanta mareysa marxalad ka soo kabasho iyo bilow horumar waxey u baahantahay kaalmada caalamka, oo ma jiro dal sida Soomaaliya u burburtay u burburay, mana jiro dal ka soo kabtay dhibaatooyinkii soo maray oo aan caalamku ka saacidin.

“Maanta waxaan mareynaa marxalad shacabka, dowladda iyo xaaladduba ay diyaar u tahay in dalka dib loo dhiso oo shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursado shaqo, waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adeegyada bulshada. Aad iyo aad baana uga mahadcelineynaa Midowga Yurub dadaalkooda oo rajo weyn nagu abuuraya.

Ugu danbeyntii Madaxweynahu waxuu yiri in shirka cida ka faa’iideysaa ay yihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhan, qorsheyaasha iyo mashaariicda la horgeynaya ay yihiin kuwo dalka oo dhan ku baahsan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip