Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Friday February 13, 2009 - 12:28:40 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3068
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Maalintaas keddibna saaxibkey Axmed habeen kasta soo jeed rasmi ah ayaa u bilowdey si kasta oo aan isugu dayo inaan Axmed illowsiiyo arrinta Runina waan ku kari waayey farxaddeynii , firfircownideynii shaqo iyo xisihii aan u qabney shaqadeynii hoos u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalintaas keddibna saaxibkey Axmed habeen kasta soo jeed rasmi ah ayaa u bilowdey si kasta oo aan isugu dayo inaan Axmed illowsiiyo arrinta Runina waan ku kari waayey farxaddeynii , firfircownideynii shaqo iyo xisihii aan u qabney shaqadeynii hoos u dhac ayaa ku yimid , nolosheynii murugo maalin kasta sii kordheysa ayey isu beddeshay, warkeygii wuxuu u batey inaan saaxibkey ku iraahdo goor kasta oo uu arrinta Ruuni igu soo qaado �wax hubso oo ha degdegin magaca Ruuni xaaskaaga oo kaliya looma yaqaane.


Run ahaanti aniga qudheyda wey iga yaabisay warqaddan uu Mukhtaar soo diray , waxaana qaadan kari waayey sida uu saaxibkey Axmed iigu ammaaney Ruuni muddadii aan la joogay , wuxuu ku dheeraan jiray inuu ka hadlo quruxdeeda , wuxuuna iigu dharan jiray inuusan weligii arag gabar edeb,asluub iyo ka akhlaaq badan , wuxcuuna igu dhaliyay saaxibkey sidii uu iigu amaanayey awgeed inaan ku dhiirri geliyo inuu si degdeg ah ula aqal galo oo uu ka soo wado halka ay joogtooo ay ka xoogsato , anigoo dareenkaas ka qabo Ruuni ayey warqadda Mukhtaar na soo gaartey , kaligey ayaa isweydiiyay wejiga ay yeelan karto arrintan cusub ee soo korortey iyo halka ay ku dambeyn doonto, saaxibkey Axmed sidaan hore uga fahmeyna si aan la qiyaasi Karin ayuu u jeclaadey Ruuni , isagoo xaalladdaas ku jira ayaa waxaa soo baxay nin kale oo sheegayo in isaga iyo Ruuni xiriir ka dhaxeyn jiray, weliba ay yididdiiladii uu nolosha ka lahaa ay aheyd! Islamarkaana ay si fudud noloshiisa uga dumisay!� waa yaab sidey wax yihiin?.

Waxaa nala dheeraadey sugitaankii jawaabta warqaddii aan u dirnay Mukhtaar, waxaan ka welwelsaneyn mowqifka uu Mukhtaar codsigeyna ka istaagi doono?ma laga yaabaa inuu ka soo jawaab codsigeyna?, managa aamusi doonaa?hadduu ka soo jawaabona maxaan sameyn doonaa aniga iyo saaxibkeyAxmed? Annagoo xaaladdaas sidaas ah isaga dhex wareersan oo quusasho joogno ayaan galab aan soo marney Boostada , waxaan kala soo baxney sanduuqii Boostada waraaq Muqdisho nooga timid oo uu Mukhtaar noo soo diray.

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip