Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Thursday February 19, 2009 - 20:14:53 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Annagoo ka soo dhaqaaqin halkaan ku istaajinay gaarigii aan wadaney ayuu Axmed Warqaddii furay kuna akhriyay cod uu I maqashiinayo, runtiina halkii aan ka filaneynay inaan faraxno waxaan dareennay cabsi weynoo aan ka qabno wararka aan ka aqri doono W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Annagoo ka soo dhaqaaqin halkaan ku istaajinay gaarigii aan wadaney ayuu Axmed Warqaddii furay kuna akhriyay cod uu I maqashiinayo, runtiina halkii aan ka filaneynay inaan faraxno waxaan dareennay cabsi weynoo aan ka qabno wararka aan ka aqri doono Waraqadda Mukhtaar, Axmedna wuxuu ka aqriyay wararkan;

� Waxan kuu soo dirayaa salaan macaan anigoo aad uga maqsuudasan sida asluubta leh oo aad iigu soo dirtay warqadda rogaal celiska ah isla markaasna aad iiga codsatey inaan si buuxda kaaga soo hadlo xiriirkii naga dhexeeyay aniga iyo Ruuni billow ilaa dhammaad.

Runtii Codsigaaga ma xuma xaq ayaadna u leedahay inaad ogaato taariikh nololeedka Ruuni intii adiga kaa horreysay oo aadan ka warqabinayna habboon tahay inaad aniga qudheyda taariikhdaas iga dhegeysato inta aysan cid kale kuu sheegin iyadoo barxan oo ku tiri kuteen laga buuxiyay, waxaase jirta inaan go�aansadeyinaan mar dambe Ruuni soo magic qaadin , warqaddii hore oo aan kuu soo dirayna iigu dambeyso xusuusta sheekadeeda.

Markuu codsigaaga isoo gaarey aad yaan uga murgoodey waayo ma jecleyn inaan go�aankeyga ka noqdoisla markaasna aan ka aamuso codsigaaga, jebinta go�aankii aan gaareyna waxay qaadaneysay muddo fekir ah , ka aamusidda codsigaaga waxay ila noqotay ineysan habbooneyn waayo qof banii�aadam ah oo ILAAH karaameeyey ayaad tahay , sidaas darted ma jecli inaan qof banii�aadam ah wax dhibaato ah ama murugeynaya u geysto .

Fikir baden keddib anigoo qadderinaya codsigaaga mudnaantiisana siinaya ayaan go�aankeygii jebiyay , waxaana kaaga soo jawaabayaa codsigaagii , ogowna erey kasta oo aan kuu soo qoroinuu I damqinaayo waayo ma jecleyn inaan dib u soo xusuuto xiriirkii Ruuni igala dhaxeeyey oo haatan isu beddelay Karaahi iyo naceyb, balse xusuusnow inaan adiga datraa ugu dulqaadanayo xanuunka nabarradas laabteyda ka reysan rabtey Xusuusashada Ruunina ay iga damqineyso , arrintaasna waxay iila mid tahay iyadoo laabteyda gudaheeda la daawanayo .

*** *** *** *** *** *** *** *** *** ***
Ruuni Iyadoo carruur ah oo aan hadal gaarin ayaa loo keenay Islaan habaryarteed aheyd oo aan isku xaafada aheyn wiilal ay islaantaas dhashayna aan saaxibbo aheyn, tegidda aan wiilashaas guriga ugu tegi jirey ayaan ku indho saarey Ruuni oo diricii yaraa ee ay gashaneyd dusha caaw uga xiran yahay.

Ruuni waagaas waxay aheyd gabar cardiif cad oo caloosheeda la kuusan tahay gooryaan ka buuxa awgeed , marmarka qaarkood oo aan soo aado gurigooda waxaan jidka ka soo qaadi jiray Ruuni oo inta jaranjarada ka soo degtay ciid ka dheregtay , kaadi ay isku kaadisayna isku qoysay .. marmarna waxaa dhici jirtay inaan u qabto Ruuni habaryarteed oo ku qasbeysa sun-gooryaan amaba sharoobbo Ferro,goortaasoo ay Ruuni aad u qeylin jirtey iyadoo oyneysa oo daawada diideysa.

Markii ay soo roonaateyRuuni oo ay ilko dhacsatey gaar ahaan ilkaha hore , waxaankula kaftami jiray marka ay waddada alaabkooda hor marta iiga hor timaado ereyada ah �Ilkahaagii aaween , nacnac miyaad ku gadatey iwm?,Iyaduna afka ayey inta isku qabsato qosolna isku celiso ayey iga carari jirtay xishood awgii , mar marka aan joogo Ruuni Gurigooda oo aan u tago wiilasha ay habaryarteed dhasheyna iney I eegto mooyee wax hadal ah iguma oran jirin.

La soco khamiista dambe

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip