Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda Md. C/llaahi Sh. Xasan ayaa ka hadlay shirka Brugssels ee shalay lagu soo gabagabeeyay wadanka Belgium, kaasi oo loo qabtay horumarka dalka Soomaaliya, isla markaana ay ka qeyb galeen wufuudii ugu badneyd ee dalka Soomaaliya ka socota iyo wadamada caalamka qaarkood.
Waxa uu sheegay Guddoomiye C/llaahi Sheekh Xasan in shirka Brugssels uu la mid yahay shirarkii horay loogu qabtay dalka dibadiisa, isagoona sheegay in meel ay ka baxeen la waayay dhaqaale ay bixiyeen beesha caalamka oo la siiyay dowladihii dalka soo maray.
"Shirarkii Ingiriiska, Turkiga, Mareykanka iyo wadamo kale ka dhacay xagey ka baxday dhaqaalihii ay bixiyeen dalalka caalamka, waa su'aasha isweydiinta u baahan" ayuu isweydiiyay Guddoomiye C/llaahi Sheekh Xasan.
Arrinta ugu weyn ee fashilay dowladda Federaalka ayuu ku sheegay C/llaahi Sh. Xasan inay fara badan yihiin, hase yeeshee wuxuu tilmaamay Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda inay ugu weyn tahay kaddib markii shirka Brugssels ergada Soomaalida ay ka fara bateen kuwii ka socday dalalka caalamka.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka hab maamuuskii dowladnimo lagu tuntay, bacdamaa sida uu sheegay C/llaahi Shekh Xasan beesha caalamku weysay cid ay kala hadasho xaaladda wadanka Soomaaliya.
"Shirkii Brugssels waa astaanta burburka Soomaaliya, mar haddii shirka wada tegayaan Madaxweynayaal gobol, guddoomiyeyaal gobol, dalka yaa lagala tashanaa arrimihiisa?" ayuu mar kale isweydiiyay C/llaahi Sh. Xasan Guddoomiyaha Xisbiga nabadda Soomaaliya.
C/llaahi Sh. Xasan: "Shirkii Brugssels waa astaanta burburka Soomaaliya"
Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda Md. C/llaahi Sh. Xasan ayaa ka hadlay shirka Brugssels ee shalay lagu soo gabagabeeyay wadanka Belgium, kaasi oo loo qabtay horumarka dalka Soomaaliya, isla markaana ay ka qeyb galeen wufuudii ugu badneyd ee dalka Soomaal