Wuxuu hambalyo iyo bogaaadin u diraayaa Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur Gaæbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aden.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu soo dhaweeyayaa dhismaha maamulka dawlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.
Madaweynaha JFS wuxuu kale oo uu ku talinayaa in la saxo wixii ka dhimman dhammeytirka sameynta maamulkaas, wuxuu Soomaalida deggan Koofur Galbeed ku bogaadinayaa in ay masiirkooda ka tashaadaan iyaga oo ilaalinaaya xaquuqda dhammaan dadka degaankaas ka soo jeeda iyo in laga wada hadlo habka ka wadaqeyb galka iyo in ay sii wadaan isla tashiga si loo saxo wixii cabasho ah ee ka jira habraaca dhammeystirka maamaulka Koofur Galbeed.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu ugu hambalyeeyay dadka deggan Koofur Galbeed guusha billowga ah ee dhismaha dawlad gobaleedkooda.
Madaxweyne Xasan: "Waxaan soo dhoweynayaa Madaxweynaha cusub ee maamulka K/Galbeed loo doortay"
Wuxuu hambalyo iyo bogaaadin u diraayaa Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur Gaæbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aden.