Hogaamyayaasha Diinta ee Kenya: "Islaamka Argagixiso maaha, La'aantoodna woo jiri doona".

0
Wednesday September 25, 2013 - 19:25:12 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamyayaasha Diinta ee Kenya: "Islaamka Argagixiso maaha, La'aantoodna woo jiri doona".

    kulan balaaran oo ee isugu yimideen hogaamiyayaasha diinta ee dalka Kenya ayaa waxa laga soo saaray baaq si wada jir ah ee udirayaan guud ahaan hogaamiyayaasha diinta ee dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kulan balaaran oo ee isugu yimideen hogaamiyayaasha diinta ee dalka Kenya ayaa waxa laga soo saaray baaq si wada jir ah ee udirayaan guud ahaan hogaamiyayaasha diinta ee dalkaasi. bayaanka kasoo baxay kulankaasi ayaa waxa warbaahinta u aqriyay dr Aadan oo ah gudoomiyaha guud ee golaha ee ku mideesan yihiin hogaamiyayaasha diinta gaar ahaan Muslimiinta, karishtaanka iyo Hinduuga.

Dr Aadan oo sidoo kale ah xoghayaha Guud ee Muslimiinta dalka Kenya ayaa ugu horeyn waxa uu warbaahinta kahor cadeeyay in wax farqi ah udhaxeeyinin aragtida dadka reer Kenya ee diimaha kala gadisan kala heesta eena mid katahay sida ee u arkaan argagixisada dalkooda soo weerartay.

Dr Aadan ayaa sidoo kale ku baaqay in nabad iyo kalsooni lagu noolaado dhaqanka argagixisadana uusan ka tarjumeenin diin , sidoo kalena Diinta islaamka eesan aheen diin argagixiso.

Dr Aadan ayaa waxa uu si xarako leh uga jawaabay su'aal la xiriirtay in ciidamadi qabsaday Suuqa ganacsiga Westgate ee dadka ku kala saarayeen Gaal iyo Muslim hasa yeeshe waxa uu su'aashaas uga jawaabay.

"Hadalkaasi waxa beenin cad u ah in Alshabaab ee ka dagaal galaan Gudaha Soomaaliya oo haba yaraatee  eesan jirin cid gaal ah iyo kaniisado kuyaala toona waana hal qowmiyad oo hal diin kaliya heesta magac kaliya iyo luqad kaliyana kuwada hadla hadana saacad walba ayeey dhiigooda daadiyaan".

Hogaamiyaha ururka ee ku bahoobeen hogaamiyayaasha Diinta ayaa waxa uu hadalkiisa kusoo gunaanaday Islaamka maaha Argagixiso , la';aantoodana woo jiri doonaa .


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip