Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya oo kulan la qaatay Xubin Sare oo ka tirsan dowlada Turkiga + Sawirro

0
Saturday September 29, 2018 - 10:25:17 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya oo kulan la qaatay Xubin Sare oo ka tirsan dowlada Turkiga + Sawirro

    Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nour Mohamed Hassan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nour Mohamed Hassan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxa Arrimaha Diinta Dowladda Turkiga iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nour Mohamed Hassan ayaa kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Dowladda Turkiga,iyagoo ka wada arrimo ay kamid ahaayeen sidii uu usijiri lahaa xiriirka wanagsan ee ka dhaxeeysa dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya.

Sidoo kale kulankan ayaa waxa ay uga hadleen labada dhinac sidii ay isaga kaashan lahaayeen labada dal hormarinta goobaha lagu barto Daruusta Diinita ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Nour Mohamed Hassan oo ah Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay Turkiga,isagoona xusay in taariikhda lama ilaabaanka ah ee Dadka iyo Dalka Turkigu ku leeyihiin quluubta shacabka Soomaaliyeed.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip