Daawooyinka dhacay ee soogala Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaay dhibaatooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo xanuuno ku hayaan dadwaynaha Somaliyeed gaar ahaan magaalada Muqdisho. Waxaan booqday Dhaqtarka wayn ee Madiina halkaasan oo aan kula kulmay bukaan aad u badan oo waxyeeloyin kaladuwan kasoo gaadheen dawooyin
dhacay oo laga gaday, waxaa kamid ahaa dadkaan halkaa kula kulmay wiil lagu magacaabo Cumar Ibraahim oo waxyeelo khatara kasoo gadhay kadib
markuu isticmaalay dawooyin dhacay oo lagag gaday mid kamida farmasiyada kuyaal magaalada muqdisho
Cumar waxuu qabay xanuunka loo yaqaan Qalalka ama Suuxdinta xanuunkaas oo dhibaato khatara kuhaya Cumar markii uu isticmaalay dawadii dhacday waxaa kusii laba jibaarmay xanuunkiisi waxuuna noqday xanuunkiisi mid khatara oo halis ku ah inuu naftiisa ku waayo.
Cumar waxuu ii sheegay inuusan helin wax dawo ama caawimaad ah marba marka kasoo danbeesana uu xanuunkiisu kasoo darayo. Cumar waxuu ka codsaday dowlada inay ka hortagaan dawooyinka dhacay ee ay ku dhibaatobayaan dadka masaakiinta ah ee aan haysan wasaarad caafimaad oo baahidooda ka caawisa, waxaa kale oo uu beesha caalamka, jaaliyadaha somaliyeed iyo cidwalba oo ka geesan karta caawimaad ay sida ugu dhaqsaha badan ulasoo gaadhan.
Dad xanuunno ka qaaday dawooyin dhacay oo ay qaateen
Daawooyinka dhacay ee soogala Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaay dhibaatooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo xanuuno ku hayaan dadwaynaha Somaliyeed gaar ahaan magaalada Muqdisho.