Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-10aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Thursday March 05, 2009 - 22:53:26 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-10aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Markii ay soo roonaatey Ruuni waxaa la geeyay Dugsi qur'aan iyada iyo gabarkale oo ay habar yarteed dhashay oo iyadu in yar ka weyneyd, waxaana la kulmi jiray iyadoo dugsigii ka soo noqotay oo labadeeda dhaban iyo gacmaha ay khad madow uga taal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ay soo roonaatey Ruuni waxaa la geeyay Dugsi qur'aan iyada iyo gabarkale oo ay habar yarteed dhashay oo iyadu in yar ka weyneyd, waxaana la kulmi jiray iyadoo dugsigii ka soo noqotay oo labadeeda dhaban iyo gacmaha ay khad madow uga taal, dharka ay gashan tahayna uu khad la madoobaadey, waxaana mar mar dhici jirtay in aan gacmaha ka dhaqo, keddibna ku iraahdo wejiga iska dhaq ama soo qabeyso, sidaan ma wanaagsanee, iyaduna wax hadal ah iguma oran jirin ee intey dhaqaaqdo ayey biyo dhunsan jirtay keddibna soo mey ran jirtay.

Markii ay soo roonaatey Ruuni waxaa la geeyay Dugsi qur'aan iyada iyo gabarkale oo ay habar yarteed dhashay oo iyadu in yar ka weyneyd, waxaana la kulmi jiray iyadoo dugsigii ka soo noqotay oo labadeeda dhaban iyo gacmaha ay khad madow uga taal, dharka ay gashan tahayna uu khad la madoobaadey, waxaana mar mar dhici jirtay in aan gacmaha ka dhaqo, keddibna ku iraahdo wejiga iska dhaq ama soo qabeyso, sidaan ma wanaagsanee, iyaduna wax hadal ah iguma oran jirin ee intey dhaqaaqdo ayey biyo dhunsan jirtay keddibna soo mey ran jirtay.

Ruuni intii ay dhiganeysay dugsiga qur'aanka waxaa la geeyey iyada iyo ina aayadeed Dugsi hoose dhexe oo aan xaafadda sidaas uga fogeyn, halkaas oo ay uga billaabatey waxbarashadii rasmiga aheyd

waxaana dhici jirtay inaan arko habeennadii markaan gurigooda tago iyadoo isku dayeysa iney wax qorto oo marna wax tirtireysa marna qallin qoraneysa, anigoo mar mar isku dayi jiray inaan qallinka u qoro intaan uga baqo in ay sakiinta isku goyso, marka ay dhacdo inaan wax weydiiyana marna iima jawaabi jirin in ay ii dhoollo caddeyso mooyee, taas oo aan markii dambe ugu magac darey mahadasho , dabadeedna markaan arko aan magacaas ugu yeeri jiray.

Waxaa dhacdey in ay magacaas maqashay islaantii Ruuni habr-yarteeda aheyd ay na weydiisay sababta aan magacaas ugu yeero gabadheeda, anigana waxaan u sheegay in aysan ila hadleyn Ruuni mar alla iyo markaan la hadlo ama aan waxu sheegi tago, xitaa marka ay dhacdo inaan wax u dirsado ineysan ila hadanama ay ii jawaabin , kaliya wixii aan u dirsadey ay ii fuliso , keddibna ay iga dhaqaaqdo.

Markii ay Ruuni soo gaartey fasalkka shanaad , waxaa dhacdey in le igu soo qoray dugsigii ay Ruuni dhiganeysay si aan halkaas uga guto shaqadii qaranka ee waajibka ku aheyd ardey kasta oo dhameysta waxbarashada dugsiga sare, keddibna waxaa dhacdey in aan fasalkooda tago xisooyinka qaarkood ama fasalkeeda lagu soo daro fasallada aan anigu macallinka ka ahey waayo aniga si toos ah uguma qorneyn fasalka ay Ruuni dhigato.

Marka aan galo fasalkeeda si aan u maqlo codkeeda waxaan weydiin jiray su.aal si ay uga jawaabto, laakiin nasiib darro hoos bey iiga jeesan jirtay iyadoo uu dhidid badan ka soo shuxayo sida qof soo daaley oo kale, taasina waxaan u qaatey xishood ay iga xishooneyso, keddibna qof kale ayaan su'aasha uwareejin jiray anigoo aamusnaanteeda waxba kula yaabeyn.

Ruuni waagaas waxay aheyd gabar soo barbaareysa oo laga dareemayey iney qurux soo waddo, qofkii u kuur galana waxaa ishiisa ku dhaceysay gabar cas oo caato ah oo tima jilicsan oo sandheer indhaheedana ballaaran yihiin lana moodayo iney culey u dhaqaaqeyso in kasta oo uu kamuuqan cayil celinaaya

La soco Khamiista dambe!

Aweis Xuseen Shiino Muqdisho - Somalia

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com,

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip