Ra'iisul Wasaare Cabdiweli oo ka tacsiyeeyey geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi C/risaaq Xaaji Xuseen: " Guddi aas qaran qabanqaabiya ayaan u xilsaarnay"‏

0
Sunday February 02, 2014 - 00:05:40 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Cabdiweli oo ka tacsiyeeyey geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi C/risaaq Xaaji Xuseen: " Guddi aas qaran qabanqaabiya ayaan u xilsaarnay"‏

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane C/weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee C/risaaq Xaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane C/weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.
Isagoo ku hadlaya Magaciisa, Kan xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Ra’iisul wasaarihii hore iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxana uu ugu duceeyey in illaah janadii fardowso ka waraabiyo. Ra’iisul Wasaare C/weli ayaa qabanqaabada aaska qaran ee loo samaynayo C/risaaq Xaaji Xuseen u magcaabay guddi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

" Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, maanta ummadda Soomaaliya waxaa ka tegay mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo halgamayaashiisii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, quluubteennu waxa ay la jiraan isaga iyo qoyskiisa. Waxaan uga tacsiyeynayaa geeridan naxdinta leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday C/risaaq Xaaji Xuseen” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare C/weli Shiikh Axmed.

Ra’iisul Wasaare C/weli Shiikh Axmed isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu raaciyey " C/risaaq Xaaji Xuseen waxa uu ahaa halgamaa iyo waddani u soo dagaalamay xorriyadda, waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii SYL ee xorriyadda , waxa uu xilal kala duwan iyo shaqooyin u soo qabtay qarankan weyn ee Soomaaliya waxana ugu muhiimsanaa xilka Ra’iisul Wasaaraha. Markii uu soo baxay warka geeridiisu waxaannu ka hawlgalnay sidii aan u gudan lahayd waajibaadka qaran ee naga saran, waxana aan u xilsaaray guddi qabanqaabinaya aas qaran”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen waxa uu madaxa xukuumadda ahaa sannadihii 1964-tii ilaa 1967-dii, isagoo soo noqday xorriyad-u-dagaalame, shaqaale dowladeed iyo siyaasi ruug-caddaa ah oo ku sifoobay wadani-jacayl iyo ku dhagganaanta midnimada Soomaaliya. Maanta wuu innaka tegay laakiin dhaxalkiisa waaraya ayaa innoo haraya.

DHAMAAD

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip