Wasaarada Amniga oo sheegtay inay sameeneyso taleefanno ay kuwada shaqeeyaa shacabka iyo Laamaha Aminiga

0
Wednesday February 12, 2014 - 10:17:17 in Wararka by
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Amniga oo sheegtay inay sameeneyso taleefanno ay kuwada shaqeeyaa shacabka iyo Laamaha Aminiga

    Wasaaradda Amniga ee Dowladda Fidraalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay wado qorshe ku aadan in Degmooyinka Gobalka Banaadir laga sameeyo taleefoono ay kuwada xiriiraan Bulshada iyo laamaha ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Amniga ee Dowladda Fidraalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay wado qorshe ku aadan in Degmooyinka Gobalka Banaadir laga sameeyo taleefoono ay kuwada xiriiraan Bulshada iyo laamaha ammaanka. Wasiirka amniga Dowladda Fidraalka  Soomaaliya C.kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlaye kulan uu la qaatay Ururada haweenka Gobalka Banaadir, ayaa sheegay in hada qorshaha Dowladda ay sameynayso ay tahay in Degmooyinka Gobalka Banaadir la dhigo leen ay soo wici karaan Bulshada xilliyada ay la kulmaan qataro dhanka ammaanka ah, si laamaha Booliiska ay ucaawiyaan.

Wasiirka ayaa yiri: "Anagana Maanta laga bilaabo waxaan sameyn doonaa Degmo kasto oo Degmooyinka kamid ah inaan usameyno leen rasmi ah oo ay dadka Degmada soo wacaan oo laamaha ammaanka ay usheegaan wixii dhibaato ah oo ay arkaan”

Wasiirka amniga C.kariin Xuseen Guuleed ayaa tusaale usoo qaatay nabadda ka jirta magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaaliland, waxaana uu sheegay in nabadaasi aysan ku imaamin ciidan badan oo Magaalada lasoo dhoobay.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in nabada ay ku dhexjirto Bulshada dhexdeeda, hooyo waliba oo Soomaaliyeedna laga rabo inay laamaha ammaanka ku wargeliso wax waliba oo Qatar dhanka ammaanka ah si looga feejignaado xaaladaha amniga xun ee Muqdisho.

Si kastaba hadalkaan kasoo baxay Wasiirka amniga ayaa waxa uu imaanayaa xilli Magaaladda Muqdisho ay ka dhacayaan qaraxyo isbada joog ah kuwaa oo lala beegsanayo fariisimaha Ciidamada iyo masuuliyiinta ayadoona tillaabadaan ay noqoneyso tillaabo hurmar u ah Dowladda Fidraalka Soomaaliya
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip