Dowladda Mareekanka ayaa waxa ay lacago aad u farabadan dul dhigtay Sedex ka tirsan Al-shabaab oo ay dooneyso in ay gacanteeda ay soo galaan. Hadal kasoo baxay aqalka cas ee Dowladda Mareekanka looga taliyo ayaa waxaa lagu yiri: "Wasaarada arimaha dibada, ayaa bixisay abaal marinta 3 milyan oo
doolar, iyadoo la siinayo qof kastaa oo warbixin ka keenaa Abdulkadir
Mohamed Abdulkadir Cikrama, Jacfar iyo Yasin Kilwe”
Ragga ay sida weyn u dooneyso Dowladda Mareekanka ayaa waxaa ka mid ah C.qaadir oo ah nin Kenyaan ah laakiin Asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya kaa oo lagu eedeeye weerar uu ku qaaday Ciidamada badda ee Mareekanka sidoo kalana lagu eedeeye in uu kamid ahaa raggi weerarka ka geystay West-gate ee Magaaladda Nairobi.
Dhanka kale Dowlada Mareykanka ayaa ayaa intaa ku dartay inay abaa marin ku
bixinayaan dadkii soo sheegaa warbixin la xiriirta dadkii ka dambeeyay
qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998.
Sikastaba dad aad u farabadan oo ku sugan gudaha dalka iyo daibadiisa ayaa waxa ay is weydiinayaa su'aalo farabadan oo la xiriira hadalka kasoo baxay Dowladda Mareekan kaa oo ay ku dooneyso in ay wax ka ogaadaan weerarro lageystay sanadkii 1998dii ayadoo dalka Soomaaliyana ay dhacdo in mar walbo weeraro ay ka dhacaan hadana laga yaabo in la yaqaano dadkii geystay Magaaladdana ay dhinac ka joogaan
Mareekanka oo lacago dul-saaray helida rag ka tirsan Al-shabaab "Waa kuwee?"
Dowladda Mareekanka ayaa waxa ay lacago aad u farabadan dul dhigtay Sedex ka tirsan Al-shabaab oo ay dooneyso in ay gacanteeda ay soo galaan.