Daawo Sawirada Duugta Marxuum Tubeec

0
Sunday March 16, 2014 - 12:58:59 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 6806
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada Duugta Marxuum Tubeec

    Allaha u naxariistee fanaanka Maxamed Suleyman Tubeec oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho kadib markii maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee fanaanka Maxamed Suleyman Tubeec oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho kadib markii maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde..

R/wasaraaha xukuumadda Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiirro, Xildhibaanno, Fanaaniinta, iyo dadweyne aad u farabadan iyo ehelada marxuumka ayaa ka qeybgalay aaska.

Allaha u naxariistee meydka marxuumka ayaa lagu aasay qubuuraha Iskuul Boliisiya, kadib markii laga soo gelbiyay garoonka diyaaradaha, iyadoo salaadda Janaasada lagula tukaday isla goobta lagu aasay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka qeybgalay aaska marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo ahaa Fanaan caana ah oo si weyn looga yaqaano dalka, kaasoo u geeriyooday xanuun asiibay.

Meydka Marxuumka ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde iyadoo sidoo kalena ay diyaarada ku wehliyeen qaar ka mid ah qoyska marxuum Tubeec, waxaana salaada Janaasada lagula tukaday dugsiga tababarka ciidanka Boliiska ee General Kaahiye.

Sidoo kale, aaska ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, Wasiirka Duulista Hawada Siciid Qoorsheel, Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiir kuxigeeno, Fanaaniin, Abwaano iyo taageerayaal kale.

Aaska kadib Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u duceeyay Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxuuna alle uga baryay inuu u dambi dhaafo, janadiisana geeyo.

"Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabka iyo Fanaaniinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay fanaankeena qaaliga ah. Tubeec waxa uu ka mid ahaa fanaaniinta hal doorka ah wuxuuna caan ku ahaa dareen wadaniyadeed iyo wacyigelinta bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun


Daawo Sawiro By Mobile


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip