DRS. MINA MAANTA WAA MUSHARAX BERINA WAA XILDHIBAAN QARAN. (SAWIRADA XAFLADA)

0
Sunday October 02, 2016 - 23:55:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DRS. MINA MAANTA WAA MUSHARAX BERINA WAA XILDHIBAAN QARAN. (SAWIRADA XAFLADA)

    Is-abaabul, diyaar garow iyo xaflado lagu soo bandhigayo musharaxiinta u taagan Xildhibaanimada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan si xawli leh uga soconaya G/Banaadir iyo qaar ka mid ah Gobolada Wadanka, mid ka mid ah xafadahaasi oo loogu tala gala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is-abaabul, diyaar garow iyo xaflado lagu soo bandhigayo musharaxiinta u taagan Xildhibaanimada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan si xawli leh uga soconaya G/Banaadir iyo qaar ka mid ah Gobolada Wadanka, mid ka mid ah xafadahaasi oo loogu tala galay ku dhaawaaqista musharaxa Xildhibaanimo ee Drs. MINA XASAN SHIBIS ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, in ka badan 200- ruux ayaa ka soo qeyb galay munaasbadaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay.
Hadal ay halkaasi ka soo jeediyeen Caaqil Cumar Ibraahim Cosobow, Halgamaa Yuusuf Ibraahim Afrax {Yuusuf Kabaale}, Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab, Gudoomiyaha Jaaliyadda Yemen ee Soomaaliya Xuseen Saalim {Baqdaadi}, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Maxamed Cumar iyo Ex. Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin musharxnimada Drs. Mina Xasan Shibis, waxayna u soo jeediyeen ergada wax dooran doonta inay codkooda ugu deeqaan aqoonyahanadaasi.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xldhibaan Saalim Caliyow Ibrow iyo Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Arimaha Dibadda Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in Soomaaliya ay sharaf u tahay in Minna Xasan ay ka mid noqoto Golaha Baarlamaanka, waxaana ay hoosta ka xariiqeen inaan Qaranka Soomaaliyeed laga dhumin fursada ku aadan in la doorto gabadhaasi, iyagoo ku cel- celiyay inay ku kalsoon yihiin inay ku soo bixi doonto xilka ay isu soo sharaxdey.

Khudbad ay halkaasi ka soo jeedisay Drs. MINA XASAN SHIBIS oo ah musharaxa u taagan Xildhibaanimada Beesha Galmaax Yoonis ayaa ku dheeraatay ka sheekaynta arimaha ay qaban doonto haddii ay ku guulaysato kursigaasi, waxaana ay tibaaxdey inay ka go’an tahay in si siman ay ugu adeegto bulshada soo dooratay, waxaana ay carabka ku dhufatay inay wax walba ka hormarin doonto Middnimada iyo sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen dadka ay ku matali doonto Baarlamaanka Soomaaliya.

Taariikh ahaan musharaxadaasi ayaa waxay ka mid tahay mutacalimiinta loogu jecel yahay Dalka Soomaaliya, waxbarashadeedii illaa iyo heer jaamacadeed waxay kusoo qaadatey Magaalada Muqdisho, burburkii Dalka ka hor waxay ka mid ahayd Saraakiishii sare ee Wasaaradda Caafimaadka, 1992-2004 waxay Agaasime ka soo noqotay Cusbitaalka caanka ah ee KEYSANEY, sidoo kale muddadaasi waxay ahayd xiriiriyaha Bisha Cas ee Soomaaliya, 2008-2009 waxay la taliye u noqotay Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya.

Tobankii (10) sanno ee ugu dambaysay waxay ka mid ahayd Masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka waxayna wax ka dajisay Sharciga Caruurta, Sharciga cirib tirka xadgudyada loo gaysto Haweenka iyo Shuruuc kale, juhdi iyo dadaal badan ay samaysay dabadeed waxay abuurtay Hay’adda la yiraahdo Jumbo oo qaabilsan samafalka iyo horymarinta, taasi oo shaqo ay ka heleen Boqolaal ruux oo Soomaali ah, dhinaca kale musharaxdaan waa Ganacsato 
macruuf ah waana Milkiilaha Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho.

Daacadnimo, karti, hal abuur, wadanimo, shaqo jaceyl, naxariis iyo deganaan Dumarnimo ayaa lagu yaqanaa, sharaf, qadarin iyo tixgalin ayay dadkeeda ku dhax leedahay, la iskuma hayo inay u qalanto xilka ay isu soo sharaxday, dhambaalo isugu jira Duco, Amaan iyo Balan qaad ayay taageerayaasheeda saacad walba u soo hibeeynayaan.

Munaasabadii maanta ee lagu soo bandhigayay musharaxnimadeeda waxaa suugaan kala duwan ku soo bandhigay kooxda Shamsudiin Band, xafladaasi oo ku dhacday jawi aad u macaan ayaa waxaa lagu tilmaamay inay ahayd midii ugu shacbiyada badneyd ee loo sameeyo musharaxiinta doonaysa inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya.

W/Q: SHIIQAALOW XASAN.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip