Waxa goor dhow gaaray degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe ciidamo aad uhubeesan oo isugu Jiro ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kuwaasi oo ka ruqaansaday deegaanka Ceel Macaan.
Ciidamadaani ayaa sida la sheegay waxey fariisimo dhowr ah kasameesteen duleedka iyo gudaha degmada Warsheekh iyadoo sidoo kale ciidamada gaaray xarunta degmada Warsheekh uulasocday Gudoomiyaha degmada Warsheekh Mudane Axmed Tuuji.
Dadka kunool degmada Warsheekh ayaa siweyn usoo dhaweeyay ciidamada saakay soo gaaray iyadoo wararkana intaa kudarayaan in wax iska hor imaad ah eesan ciidamada kala kulmin haraaga kooxda Alshabaab ee kudhuumaaleesanayay dhulka howdka ah.
Gudoomiyaha Degmada Warsheekh Mudane Axmed Tuuji oo goob fagaare ah kula hadlay dadka reer Warsheekh ayaa usheegay shacabka iney muujiyaan deganaan wixi maanta kadambeeyana maamulka uu joogi doono gudaha degmada Warsheekh.
Sidoo kale taliyaha ciidamada dowlada ee degmada Warsheekh Cagmadhige ayaa dhankiisa waxa uu sheegay iney ka ciidan ahaan ee u howlgali doonaan sugida Amaanka isla markaana ee kushaqeyn doonaan awaamiirta madaxda dowlada .
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamo lixaad leh oo katirsan Amisom iyo dowlada loo qorsheynaayo iney uruqaansadaan Deegaanada Raage Ceele, Burdheere ilaa xarunta Degmada Cadale .
Wixi warar ah oo kusoo kordha kala soco wararkeena danbe
War Deg Deg Ah, AMISOM oo saldhigatay Warsheekh
Waxa goor dhow gaaray degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe ciidamo aad uhubeesan oo isugu Jiro ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kuwaasi oo ka ruqaansaday deegaanka Ceel Macaan.