Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-11aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Thursday March 19, 2009 - 21:47:08 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 5232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-11aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Marka aan kuu soo kobo, waxaan ka qabey Ruuni dareen feyjignaan ah , iyadoo ay intaas ii garab socotay gabbaad aan ugu jiro gabadhaas�., in kastoo aan si wanaagsan u garaneyn sababta igu kallifeysay inaan Ruuni dhufeys u galo oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka aan kuu soo kobo, waxaan ka qabey Ruuni dareen feyjignaan ah , iyadoo ay intaas ii garab socotay gabbaad aan ugu jiro gabadhaas�., in kastoo aan si wanaagsan u garaneyn sababta igu kallifeysay inaan Ruuni dhufeys u galo oo mar alla markaan arko ama aan ujeedo aan u damco inaan la hadloama aan ka hadalsiiyo.



Shaqadii qaranka wey ii dhamaatey laakiin is araggii Ruuni aan is arkeyney halkiisii ayuu ka sii socdey mar haddii aan gurigeedii si goos goos ah u tegi jiray.
Waxaan filayaa iney warqaddaan ilaa xad dheeraatey intaan ayaan ku simayaa intii markaan anigoo dhawaan warqad kale kuu soo diri doono haddii eebbe idmo si aan sheekada Ruuni halkeeda kaaga sii wado.
Mahadasanid

Qore Mukhtaar.
Keddib markii uu saxibkey dhameeyey aqrintii waraaqda , si aanan jecleysan ayuu ii eegey warqaddii ayuuna galkeedii ku celiyay isagoo hadalku dhibayo ayuu cod ceegsan igu yiri: noo kaxee guriga .

Anigu wax jawaab ah ma oran , guriga ayaana u soo kaxeeyey , markii aan guriga nimid ilama hadal , keddibna waan iska faajo faajoonney , habeenkii ayaan isku helnay aniga iyo saaxibkey qolkii fadhiga isagoo aad uga careysan Ruuni, warqaddii ayaan ka soo qabsadey halkii ay saarneyd waana aqristay , runtiina Mukhtaar ereyo laabta u dhacayo ayuu noo soo qoray , hordhaca waraaqdiisana waxaan ka fahmey inaan Mukhtaar meel uga dhacney markaan ku qasabney inuu dib ugu noqdo xusuus dareenkiisa wax u dhimeysay isla markaasna aan ka codsanney qof yididdiiladii uu dunida ka lahaa ka lumisay inuu nooga soo hadlo� runtiina waan isku xishooday waana yaxyaxay ,

laakiin Mukhtaar si kasta oo aan u waxyeeleyno waaba nin naga maqane , sida uu noosoo sheegeyna diyaar u ah inuu u adkeysto murugo kasta oo ay usoo jiiddo xusuusashadaas, waxaase murugada Mukhtaar mid ka weyn iiga muuqatey wejiga saaxibkey Axmed oo isagu haatan ah ninkii qabey gabadhan yaabka badan oo ah Ruuni

Saaxibkey wuxuu igu yiri markaan warqaddii aqriskeeda dhameeyey : noo soo bixi warqadihii hore oo feyl noogu fur tan hadda aad aqriseyna noogu dar una kala hor mari sidey usoo kala horreeyeen , warqad kasta oo uu Mukhtaar soo dirana ku daba qabokuwaan .

Si degdeg ah ayaan u fuliyay amarkaas sidii uu ii sheegey ayaana feylkii ugu xiray halkii uu fadhiyay ayaan ugu keeney.
La soco khamiista dambe

Aweis Xuseen Shiino
Muqdisho - Somalia

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-10aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com,

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip