Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-12aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

0
Thursday March 26, 2009 - 22:22:10 in Dhaawac aan bogsaneyn by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-12aad, By: Aweis Xuseen Shiino!

    Saaxibkey wuxuu igu yiri markaan warqadda akhriskeeda dhameeyey: noo soo bixi waraaqihii hore oo feyl iigu fur tan aad hadda aqrineysidna ku dar una kala hor mari sidey u soo kala horeeyeen , warqad kasta oo uu Mukhtaar soo dirana ku daba qabo kuwaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saaxibkey wuxuu igu yiri markaan warqadda akhriskeeda dhameeyey: noo soo bixi waraaqihii hore oo feyl iigu fur tan aad hadda aqrineysidna ku dar una kala hor mari sidey u soo kala horeeyeen , warqad kasta oo uu Mukhtaar soo dirana ku daba qabo kuwaan.

Si degdeg ah ayaan u fuliyay amarkaas , siduu ii faray ayaana u sameeyay, feylkii ayaan furay warqadihiina ugu xiray sideyu sookala horreeyeen, keddibna halkii uu fadhiyay ayaan ugu keeney feylkii.

Saaxibkey wuu eegay sida aan wax u qabtey waana la dhacay , hortiisa ayuuna dhigaya wuxuuna yiri: saaxibow waxaad igula talin jirtay in aan wax hubsado , wax waan hubsadey haatan, mana filayo in Mukhtaar qoraal sheeko an jirin naftiisa ugu daalinayo, maxaad kale oo aad haddana igula talinee ?

Su'aasha saaxibkey iguma cusbeyn , wax aan filayo ayeyna aheyd , waxaana ugu jawaabey : Warqaddeynii aan Mukhtaar u dirnay markey jawaabteeda soo wada dhamaato ayaan talo buuxda ku siin karaa inta ka horreysa waxaan weli taaganahay aan wax hubsannodegdegtana iska daa' ,Ruuni waa xaaskaagii waadna ogtahay intii qarash oo kaaga baxdey iyo sida aad u jeceshahay , sidaa darteed iska samir ilaa xad.

Wuxuu la soo boodey:samirku waa inuu xad lahaado , samir intaan ka badan waa doqonnimo , Ruuni furitaankeeda ayaan berre hore uga dirayaa, warqaddii dalaaqeeda ayaana u soo saarayaa, maxaa fikir iyo welwel i geliyay?maxaan maskaxda isaga wareerinayaa, dhibkeeda meel ha iga maro, ninka miskiinka ahnaraalli iga noqo ayaan leeyaha, aniga go'aankaas ayaan gaarey.Waxaan ku iri: nin rag aha ayaa ILAAH kaa dhigay . caqli yeelo oo go'aanka
waalida ah iska daa, wax aadan ka fikirin weligaa ha sameyn.

Maalinaas maalintii ka saddex aheyd waxaan haddana kala soo baxney Boostada Warqad kale oo uu Mukhtaar noo soo diray sidii oo kale ayaan u aqriyay, waxayna ku bilaabatey sidatan:

" Salaan keddib, Runrii lama dareemi karo mugdiga habeenkii iyo iftiinka maalintii ama marka iftiinka maalinta iyo mugdiga habeenka ay is gelayaan waa yo si tartiib tartiib ah ayey u dhacaan kala baxaaas iyo is galkaas . laakiin waxaa la dareemaa daqiiqado keddibmarka midkood(muqdiga iyo iftiinka) la ga bato... sidaas oo kale qof aad mar kasta is aragtaan koriddeeda lama dareemo oo waxaa la dareemi karaa oo kaliya markaad qofkaas in muddo ah ka maq naato, Ruuni maalin walba ama sida badan waan arki jiray mana fahmi karin koriddeeda, balse maalin aan aad u mililicsaday ayaan dareemay in uu is bedd
el weyn ku yimid , gabadhii cardiifka caddeyd.Waxay u socotay maalintaas Dugsi sare oo ay dhiganeysay iyadoo lebisan dereyska Dugsiga sare , surwaalkii kaakiga ahaa iyo shaarkii caddaa oo gacmogaabka ahaa.Mar ay agteyda mareysay ayaa waxaa haf igu soo yiri barafuun caraf udgoon badanoo ay marsaneyd,

isha ayaan la raacey misna Ruuni waxaa iiga muuqdey waxyaabo aan hore uga jeedi jirin oomuujinaya in gabadhu bislaatay oo ay bilowdey iney soo bandhigto bislaanshaheeda

La soco Khamiista dambe

Aweis Xuseen Shiino Muqdisho - Somalia

Aqri Qeybihi Hore ee Sheekada
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-11aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-10aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-9aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-8aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-7aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-6aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-5aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-4aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-3aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-2aad,
Sheeko Taxane ah Dhaawac aan Bogsaneyn, Qeybti-1aad,

NB: Qoraalkaan Xaquuqdiisa Waxaa leh Qoraaga Ku Saxiixan. & Maamulka Shabakada Warsheekh , Fadlan Mala Daabacan Karo, Waji Kalena Looma Ragi Karo, Ee Kala Xiriir Wixi kusaabsan Sheekadaan E-Mailka:Webmaster@warsheekh.com, S

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip