Wadamada Bariga Africa oo ku dhawaaqay in Dhammaadka Sanadkani ay Si Rasmi ah u Hawlgalayaan Ciidamo Ay ku Midaysanyihiin Wadamada africa-da bari.
Tobanka wadan ee bariga africa ayaa ku dhawaaqay in marka la gaadho bisha December ee sanadkani aynu ku jirno ay diyaar noqonayaan ciidamada hawlagalada deg deg ah oo ay africada bari ay yeelan doonto Sida lagu sheegay shir maalintii shalay ka dhacay magaalada Kampala. tirada ciidankani waxaa lagu sheegay 5000 askari oo ka kala iman doona 10ka wadan ee ku yaala bariga qaaradda africa oo ay ka mid yihiin.
ciidamadani bariga africa laga dhisayo oo magacooda loo soo gaabshay EASF waxaa ay isugu jirayaan ciidamada militariga policeka saraakiil ka iman doona shacab wadamadaasi.oo hawlgalkani qayb ka noqondoona.
Maj. Gen. Francis Okello, oo ka mid ah saraakiisha xarunta fal celinta dag deg ah ee ay leeyihiin Militariga Uganda ayaa sheegay in ciidamadani ay noqon doonaan hal baltalyan oo xoogan isla markaan ku qalabaysan taangiyada dagaalka waxaana ay diyaar noqon doonaa hal sano ka hor xiligii kama dambaynta ahaa ee uu u qabtay Ururka Midawga Africa. taasi oo ku beegan bisha December ee ugu dambaysa sanadkani.
Hogaamiyeyaasha shanta gobol ee bariga, waqooyinga ,koonfurta,galbeeda iyo badhtamaha ee ay qaaradda africa u kal qaybsantahay ayaa shirkoodii sanadkani 2014 ka waxaa ay goaamiyeen in shanta gobol ee qaaradda africa mid kastaa ay yeelato ciidamo gaar ah samayn kara hawlgalo dag deg ah .
saraakiisha ciidamada bariga africa ayaa tababaro loo fidiyay bilihii ugu dambeeyay.
saraakiishaasi oo maalintii shalay ku shiray magaalada kampala ayaa soo hadal qaaday hadii lagu guulaysto dhismaha ciidamadaasi meelaha ugu horeeya ee loo daad gurayn doono inay ka mid yihiin wadamada somaliya iyo koonfurta sudan.
sidoo kale waxaa shaqadoodu ay noqon doontaa in ay ka hortagaan khatar kasta oo xasilooni darro oo soo wajahda mid ka mida wadamada ku midoobay hawlgalka ciidankani.
DAAWO : 10-ka Wadan Ee Bari Africa oo Ciidan Gaar ah Dhisanaya.
Wadamada Bariga Africa oo ku dhawaaqay in Dhammaadka Sanadkani ay Si Rasmi ah u Hawlgalayaan Ciidamo Ay ku Midaysanyihiin Wadamada africa-da bari.