XEEBTA LIIDO: Meel soo Jiidasho leh

1
Sunday September 28, 2014 - 12:57:58 in Wararka by
  • Visits: 3253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XEEBTA LIIDO: Meel soo Jiidasho leh

    Waxa aan Gurigeyga ka soo baxay Abaarihii 3:45 Galabnimo waxa aan u soo kacay dhanka iyo Boosteejada Gawaarida laga raaco , in yar kadib waxaan helay gaari ku wajahan dhanka iyo Degmada Xamar weyne nasiib uma yeelan in aan boos ka helo Gaariga waxa a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan Gurigeyga ka soo baxay Abaarihii 3:45 Galabnimo waxa aan u soo kacay dhanka iyo Boosteejada Gawaarida laga raaco , in yar kadib waxaan helay gaari ku wajahan dhanka iyo Degmada Xamar weyne nasiib uma yeelan in aan boos ka helo Gaariga waxa aan qabsaday albaabka Gaariga. inyar kadib waxa aan gaarnay Degmada xamar weyne halkaas oo aan kasii racay gaariga labaad oo ku wajahan dhanka iyo Degmada Cabdicasiis oo ay ku taalo Xeebta.
Waxa aan Gurigeyga ka soo baxay Abaarihii 3:45 Galabnimo waxa aan u soo kacay dhanka iyo Boosteejada Gawaarida laga raaco , in yar kadib waxaan helay gaari ku wajahan dhanka iyo Degmada Xamar weyne nasiib uma yeelan in aan boos ka helo Gaariga waxa aan qabsaday albaabka Gaariga. inyar kadib waxa aan gaarnay Degmada xamar weyne halkaas oo aan kasii racay gaariga labaad oo ku wajahan dhanka iyo Degmada Cabdicasiis oo ay ku taalo Xeebta.

Gaariga gudihiisa waxa aan kula kulmay dhalinyaro aad ugu faraxsan iney soo booqdaan xeebta liido ayagoo markaasi kuwa qaar ay wateen Kubad halka kuwa kale ay wateen Tuyuubka lagu Dabaasho . in yar kadib waxaan gaarnay halkii aan ku wajahneyn oo aheyd Xeebta quruxda badan ee liido , bananka hore ama afafka hore xeebta waxaa yaaley gawaari aad u fara badan

waxa aan usoo dhaadhacay gudaha xeebta oo aan halkaasi ku arkay kumanaan Dhalinyado ah oo halkaa ku ciyaaraya Kubada cagta halka kuwa qaar ay ku dabaalanayeen Xeebta . run ahaantii marka aad fiiriso muuqaalka aadka u quruxda badan ee ay leedahay xeebta ayaa waxa uu soo jiidanayaa indhahaaga .

isbedelka waxaa u sabab ah rabi subxaana watacaalaa oo oo nagu maneystay xeebtaan baaxada weyn ee quruxda badan . Dalka walba oo dunida ka tirsan ilaah waxa uu ku maneystay Kheyraad dabiici ah Waxaa jira dalal aan laheyn Xeebo ama Bad noocaan oo kale ah,

liido waxa ay ka mid tahay xeebaha ugu dhaadheer ee ku yaala Qaarada Africa waxaana nasiib u helay Dalkeena Soomaliya oo ah Dal barwaaqo ah .

Cabaar markaan cabiray muuqaalka iyo sawirka xeebta ayaan waxaan gudaha u soo galay xeebta oo aan daqiiqado dhex lugeynayay waxay igu qadatay inaan muuqaalka ka boogdo daqiiqado oo aan kolba dhinac ka eegayay . sidoo kale waxa ay indhaheyga qabteen dad ayagu markaas ganacsi yar yar ku haya xeebta gudaheeda oo ka ganacsanayay waxyabaha yar yar sida Cambaha , Sambuuska iyo Burka halka kuwo qaar ay ka ka Ganacsanayeen Biyaha Nadiifk ah si markaad ka soo baxdo Dabaasha aad isaga mayrto Biyaha Dhanaanka . sidoo kale waxay indaheyga qabanayeen Dooman kuwa Dalxiiska oo hadba dhinac u gooshaya waxaana aan isdhihi karaa waa hormar lagu talaabsaday oo isbedelka keenay , xeebta waxa igu dambeysay mudo oo an qurbaha uga maqnaa waxyaabaha aan ku arkay oo aniga shaqsi ahaanteyda igu cusbaa waxa ay ahaayeen dhismayaasha Hotelo cusub oo islamarkaasi qofka soo booqda xeebta uu ka heli karo adeeg walbo oo uu u baahan yahay mudooyinkii hore ama sanadaihii aan soo gudubnay ma aysan jirin adeegyo nuucaan oo kale ah,

marka aad fiiriso dadka iyagu u soo Dalxiistagay ayaa waxa aad idhahooda ka dheehan kartaa farxado iyagoo u socda koox koox ama lamaane , xeebta ayaa sanadahaan dambe waxa ay noqotay meel ay u soo damaashaad tagaan dadweynaha Soomaliyeed maalmaha khamiista iyo Jimcaha oo ah maalmaha ay muslimiinta ka nastaan shaqooyinka iyo waxbarashada ,

daqiiqo kadib waxaan aan u soo kacay dhanka iyo mid ka mid ah Hotelada ku yaala xeebta gudaheeda , waxa aan maray Checking ama (Baaritaan) kadib waxan u soo gudbay gudaha Hotelka oo aan ka abaaray dhanka iyo (Restaurant) Maqaayada waxaa aan fadhiistay boos aad u wanagsan oo aan ka arki karo dadku ayagu ku dabaalanaya Xeebta iyo dhalinta ku ciyaareysay Kubada , Maqaayadu waxay aheyd mid aad mashquul u ah oo ma anan heli Karin adeeg deg deg ah markaan cabaar fadhiyay oo aan iska daawanayay xeebta iyo muuqaalkeeda wanaagsan ayaa waxaa ii yimid mid ka mid ah Weytaradii(Kabaryeeri) ka shaqeynayay Maqaayida , waxa uu u I weydiiyay su’aal aad u wanagsan oo soo jiidan kara qofka macmiilka waxayna ahayeen sidan " marka hore soo dhawaw mudane maxaan kuu qabtaa?” maxaad jeclaan laheyd in aad cunto ?” maxaan kuugu cawiyaa?” .

waxa aan ka codsay inuu ii keeno 1 Koob Shaah , Maqaayida gudaheeda waxan kula kulmay Waalidiin ayagu caruurtooda u soo Dalxiis geeyay xeebtasi.

Isku Soo Duubo Xeebta oo aan laga faaiideysan 24 Sanno ayaa haatan u muuqata mid ay si weyn u fahmeen Ummada Soomaaliyeed iyadoo haatan Noqtey meel soo jiidasho wanaagsan gaar haan Xiliyada Kuleylaha

 

W/D Cusman Jimcaale (Xaaji)
E-Mail hajiitaly@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip