Xogaha Qarsoon ee Weerarki Xeebta Liido

0
Friday January 22, 2016 - 00:40:15 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogaha Qarsoon ee Weerarki Xeebta Liido

    Weerar ku billowday Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay goor dhawayd Maqaayadda Liido Sea Food. iyadoona Qaraxa kadib la rumaysan yahay in Rag hubaysan ay Gudaha u Galeen Maqaayadaasi oo ka mida Meelaha ay Dadku u badan yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar ku billowday Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay goor dhawayd Maqaayadda Liido Sea Food. iyadoona Qaraxa kadib la rumaysan yahay in Rag hubaysan ay Gudaha u Galeen Maqaayadaasi oo ka mida Meelaha ay Dadku u badan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Koox Hubaysan ay ka dagaalamayaan Gudaha Maqaayadaasi, kuwaasoo aan la cadayn illaa iyo hadda Tiradooda Rasmiga ah, Waxaana gudaha laga maqlayaa Rasaas xooggan oo u dhaxaysa Kooxdaasi Weerarka soo qaaday iyo Ciidanka NISA oo gurmad ku tagay Goobta, iyadoona illaa iyo hadda ay Ciidanka NISA ku mashquulsan yihiin sidii ay Kooxdaasi uga samatabixin lahaayeen Dadka Shacabka ah ee ku jiray Maqaayadaasi oo ay doonayaan inay laayaan.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay iney Gacanta ku dhigtay Sarkaalkii hogaaminyay Weerarkii Caawa Al Shabab ay ku qaaden Xarunta Beach View Ee Magaalada Muqdisho.

Al Shabab ayaa sheegatay sido kale masuuliyada Weerarka,ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhimatay 2 kalena waa ay ku dhaawacmen.


Weerarka Maqaayaddan ayaa qayb ka ah Weeraro Argagixisanimo oo ay Kooxda Shabaab ku qaadaan Goobaha ay Bulshadda isugu yimaadaan si ay u laayaan Shacabka meelahaasi ku sugan, taasoo muujinaysa inuusan Bartilmaameedka Kooxda Shabaab ahayn oo kaliya Dawladda Somalia iyo Dadka u shaqeeya.

Ka dib burburkii iyo baxsadkii maleeshiyaadka kooxdii Al-shabaab ee laga cirib tiray deegaano dhowr ah oo hore uga talinayeen   ayaa waxay ay bilaabeen sida caadadooda aheyd dhibaateynta ay ku hayeen shacabka iyagoo sida si aan naxariis laheyn maalmaan dambe ku gowraceen shacab aan hubeysneyn oo u badan dhalinyaro.

Falalkan fulaynimada ah waxay muujinayaa xaalada ay ku suganyihiin kooxdan oo ah cabsi iyo walwal ay ka qabaan guulaha isdabajooga ah ee uu gaaray shacabka Soomaaliyeed ee uu horkacayay Ciidanka Qaran Soomaaliyeed si ay isaga xoreeyaan naxariis laawayaasha Al-shabaab


Waxa qortay: Wariye Aamina Ibraahim Cabdiraxman
Muqdisho-Soomaaliya.
E-mail.warsheekh10@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip