Qaramada Midoobay oo Cambaareysay weerarkii Hotel Saxafi

0
Saturday November 10, 2018 - 10:00:46 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo Cambaareysay weerarkii Hotel Saxafi

    War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weerary hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho,waxaana ay sheegeen in ay uga xun yihiin waxa ka dhacay Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weerary hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho,waxaana ay sheegeen in ay uga xun yihiin waxa ka dhacay Muqdisho.

Waxaa qoraalkan lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay aad uga xuntahay qaraxyadan ka dhacay Muqdisho, kana tacsiyeeynayaan dadkii ku dhintay qaraxyadan iyo sidoo kale kuwii ku dhaawacmay oo ay caafimaad u rajeysay.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwo gaari loo adeegaday,waxaana ku geeriyooday in ka badan 35 Ruux oo Shacab u badnaa,kuwaas oo ku sugnaa agagaarka Hotelka Saxafi xilliga la weerarayay,waxaana ku dhaawacmay 106 ruux oo kale.

"Qaramada Midoobay wuxuu sii wadi doonaa wada shaqeynta kala dhaxeysa xukuumadda iyo dadka Soomaaliyeed, waxaan ka xunnahay wixii ka dhacay Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay ilaa iyo afar qarax oo is xig0xigay,kuwaasi oo lagu weerary Hotelka Saxafi oo ku yaall isgoyska Km4 ee Muqdisho,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad isuga jiray Shacab iyo mas’uuliyiin.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip