Khasaarihii ka dhashaya qaraxyadii Hotel Saxafi oo korortay

0
Saturday November 10, 2018 - 09:07:04 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaarihii ka dhashaya qaraxyadii Hotel Saxafi oo korortay

    Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii is xig-xigay ee shalay lagu weeraray Hotelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii is xig-xigay ee shalay lagu weeraray Hotelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa waxaa lagu dhuftay iridka laga galo Hotel Saxafi,daqiiqado kadib waxaa xigay labo qarax oo kale, oo ka dhacay meel aan sidaa uga fogen Xarunta CID-da,waxaana qaraxyada kadib rag hubeysan ay isku dayeen in ay gudaha Hotelka galaan oo ay ka dhex dagaalamaan.

Raga weerarka soo qaaday ayaa waxa ay gaarayeen ila iyo shan ruux,iyadoo ay toogteen Ciidamada amniga sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Dhismayaashii Ganacsiga ee ku yaallay Nawaaxiga Hotel Saxafi ee weerar lagu qaaday ayaa waxa soo gaaray burbur xoogan.

ilaa 35 Ruux ayaa la xaqiijiyay inay qaraxyadaasi ku geeriyoodeen oo u badan dad rayid ah oo wadada isticmaalayay xilliga uu qaraxa dhacayay,waxaana dadka dhintay ku jira Cabdifitaax Cabdirashiid Shire Il-qeyte oo uu dhalay Ganacsade Ilqeyte oo Saddex Sano kahor Bishaan oo kale ku dhintay weerar lagu qaaday isla Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho,waxaana la xaqiiijin kari dhaawacyada halka ay maraan,

Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la gaarsiiyay dad badan oo ku dhaawacmay qaraxayadii shalay,kuwaasi oo hadda la dabiibayo xaaladooda Caafimaad.

Sidoo kale dadka ku dhawacmay qaraxyadii shalay ayaa waxaa kamid ahaa Agaasimihi hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaq Bahlaawi oo xilligii uu qaraxa ka dhacayay ku sugnaa meel aan Hotelka ka fogeen,kaasi oo hadda xaaladiisa caafimad lagu dabiibayo Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii Galabta ka dhacay Isgoyska Km4 gaar ahaan hotelka Saxafi ee Magaaladda Muqdisho,Isagoo tacsi u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha ayaa aad u amaanay ciidanka Amaanka Qaranka oo mar walba naftooda u huraya badnaadinta dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga dhagarta kooxaha aragagixisada ah ,wuxuuna ku baaqay in loo midoobo la dagaalankooda islamarkaana meel looga soo wada jeesto.

Dhinaca kale war kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda Qaraxaydii lagu weerar hotelka Saxafi,iyagoo tilmaamay in halkaasi ay ku dileen Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo Sakaaill Ciidan oo ka tirsan dowlada.

Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay dad u badan Shacab,kuwaasi oo isticmaalayay wadda xiliga uu qarax ka dhacayay.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip